Gobolka Banaadir: Boqortooyada Tarzan!

0

tarsan1Magac iyo maamuus ninba si ku muday, muunad iyo maal ninba si ku soo xereey, maamul iyo maarayn ninba si u jeex, mehered iyo mashquul ninba i u doon, maan iyo maskax ninba si ugu feker, maaweelo iyo madadaalo ninba si ku dhaaf. Qormada maanta sida cinwaankaba ku cad, waxaa marti noogu ah xubin aad uga dhexmuuqday siyaasadda sanadihii u dambeeyey, waa halgamaa sida la yiri, oo xubinnimada ku helay wacdaro uu dhigay iyo mid uu wali dhigayo, dabcan kaalinta afar iyo barka meesha kama maqna iyo madax salaaxii madaxweyne Shariif sida dad badan aaminsan yihiin.

Waa kuma masuulkaa? Yaa kale, waa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane:  Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”, oo siyaasadda ku soo galay laba daaqadleeyda diinta iyo qabiilka is huwan, oo aan hore loogu aqoon siyaasad iyo dhaqdhaaq la xiriira arrimaha bulshada, haddana, waaba xubin ku sigan inuu noqdo MAHDI!

Hab qoraalka naynaastiisa marka aad u qorto sidan “Tarzan” afka qalaad waa sheeko maaneed, markii ugu horraysay soo caanbaxday bishii October sandkii 1912-kii, riwaayaddii qoraagii Maraykanka ah ee Edgar Rice Burroughs, noolaana (1875 – 1950) riwaayadda oo la oran jiray: “Tarzan of the Apes”, riwaayaddaa oo heer sare xaqiijisay, lagana sameeyey filimmo, buugaag carruureed, barjaamijyo TV iyo idaacadeed, xayeysiin Banzin, dharka, cayaaraha carruurta iyo kabo ciyaareed IWM, malaha sida naynaastiisu tahay ayuu u xuubsiiban rabaa?.

Yeysan ila gudbin faallaynta eragee, oo hab qoraalkiisa aanan hubin inuu sidaa yahay, noqonna karaa sidan “Tarsan” balse, iftiiminta hore waa mid meesha ku jirta. Mudane Tarzan, wuxuu horjooge ka ahaa mudaharaadyo fara badan oo ka dhacay magaalada London ee uu daganaa, sanadkii 2007-dii, si weynna uga dhexmuuqday qalabka warbaahinta.

Mudane Tarsan wuxuu aad uga soo horjeeday, sida Soomaali badan oo xalaal ahiba uga soo horjeedeen Xabashida iyo xertooda, oo ku idlaa dawladdii C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay siduu bannaanka u soo dhigi lahaa burburka Xabashidu ku hayeen waddanka, iyo dayaca baahsan ee umadda qabsaday, hubaal inay ahayd hawl aad u wanaagsan.

Wuxuu xubin ka ahaa: Guurtida Beelaha Hawiye, wuxuu goobjoog ka ahaa shirarar badan oo ay ku yeesheen gudaha magaalada London, inuu taageero iyo tilmaamna ka haystay kuwa Xamar ku go’doonsanaa u badi, waana kuwa uu maanta eedanayo, wuxuu labanlaabay qayladhaantiisa ka dhanka ah Xabashida iyo inta u adeegta, noqdayna xidigga fagaarooyinka iyo faallaynta wararka.

Hubaal in arrintaasi u baahnayd qof isu taaga, oo ka soo dhalaalaa u dhaqdhaqaaqidda umadda dhibaataysan, su’aashuse waxay ka taagan tahay, maanta Mudane Tarzan waa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, haddaba muxuu ka yiri soo galitaanka Kenyaanka iyo Xabashida waddanka ay soo galeen dhawr bilood ka hor? Siduu shalay mudaaharaadyada u horkacayey maanta ma u horkacayaa? Mise wuxuu noqday sidii C/laahi Sheekh Xasan? Qormo mawduucan ku saabsan halkan ka fiirso:

http://bilediraac.wordpress.com/2012/07/30/tarzan-tallaabadii-shalay-iyo-taagsiga-maanta/

Sida wax u dhacayeen aqriste ma kula tahay in mudane Tarzan dhaleecayn u jeediyey Xabashida? Ma kula tahay in Tarzan uu cambaareeyey Xabashida dalka soo gashay? Ma kula tahay in mudane Tarzan uu farta ku fiiqay xadgudubka Xabashida? Ma kula tahay in mudane Tarzan wax ka sheegay shabkaxda Xabashida isaga soo qulqulaysa waddanka? Weydiimuhu badan, lagase yaabe inay isku mid yihiin ama hal meel ku wada ururayaan.

Marar badan oo uu hadlay ayuu eedda dusha uga tuuray Alshabaab, isagoo iska indha tiraya ciidamada AMISOM, oo dharaar walba xasuuqa Shacabka Muqdisho, waana arrin aan rabo inaan bannaanka soo dhigo, maadaama aysan dad badan ku baraarugsanayn. Run ahaan Xabashi, Ugandhis iyo Kenyan inaysan kala duwanayn, markay arrintu marayso laynta umadda iyo burburinta hantideeda, ila xasuusta sida joogtada ah ee Xabashidu u duqayn jirtay Suuqa Bakaaraha iyo sida ay AMISOM u duqeeyaan, haddaa maxay ku kala duwan yihiin? Teeda kale, haddii Alshaab ku disho iyo hadday AMISOM ama  Xabash ku dilaan, maxay kuugu kala duwan? Dil waa dil.

Dadkaygow ma maqasheen Tarsan oo dhaliil u jeedinaya AMISOM, ama dhahaya waa inaad umaddayda xasuuqa ka daysaan? Mise aragteen isaga oo hadal ku sheegaya in ciidadamada shisheeye aysan dadka rayidka ah beegsan? Wallee dadkaygow garan waayey meesha wax ka qaldan yihiin, maxay noo kala dhaamaan dawladahan waddanka ku jira? Mid walbaa wuxuu birta u afaysanayaa waa Soomaali dilkeed, haddana madaxda waddanku kamaba hadlayaan.

Weydiintu waxay tahay, Mudane Tarsan wali taageero iyo diidmo midna ma muujin, hadduu shalay Xabash ka soo horjeeday, xilna ku mutay, maantana ay soo galeen waddankii oggolaasho la’aan, muxuu la aamusan yahay? Kenya hadday waddanka oggolaasho la’aan soo gashay, muxuu maanta la aamusan yahay? Mise Kenya Tahliil tufid ayey waddanka u soo gashay? Waa la sharciyeeyey ayuu ku doodi doonaa, ee bal  dhawra! Hadday saa tahay Xabashida C/laahi Yuusuf ayaa u sharciyeeyey, ee kaa maxaad ku diidday, kanna aad ku oggolaatay?.

Haddaan ilaa iminka hadal ku saabsan laynta joogtada ah ee AMISOM laga hayn, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku aaddan Kenyanka ku soo xadgudbay waddanka, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku beegan Xabashida waddanka ku faashay, hubaal inay noqon meeshii laga dhihi jiray: “Shibo waa raalli”, shalay iyo maanta waxba kuma kala duwana, ee waa isku mid, haddaysan maanta sii darnayn.

Mudane Tarzan waa intii dhimmanayde, eedayntii Alshabaab wuxuu ku daray eedaynta Odayaasha, oo wuxuu yiri: “Odayaasha Reer Muqdisho wey ku Fashilmeen ka shaqeynta Nabadda!” siina raacshay: “Caadaqaatayaal waaye, waxaa ka fiican Odayaasha iyo Isimmada ku sugan Maamullada Puntland iyo Somaliland!” Haddaad BADRAAN noqoto iyo kibirroow ama XISHOODKU kaa tago, sidan oo kale ayaa loo hadlaa! Bal Tarzan ODAYAASHA waxa uu ku eedaynayo yaa ii sheegi kara? Hadduu isagu kaalintiisii gabay ama FAASHIL noqday muxuu ODOYADA ka rabaa? Ma qoriga ayey u qaadi lahaayeen? Yaab.

Midda ah Odayaasha labadaa maamul inay ka fiican yihiin kuwa Xamar, muxuu ku caddayn karaa? Talo Oday maanta waxay hirgali kartaa markii talo siyaasi la falgasho, oo waliba talada hore uu Siyaasigu leeyahay, taa waxaan u leeyahay Somaliland waxaa lagu dhisay guri siyaasi, ee laguma dhisin guri nabaddoon, ee bal taa ha ogaado Tarzan, haddii kale meelaha ha ka quuqleeyo. Tan kale, Odoyada labadaa maamul waxay leeyihiin GOLE GUURTI oo maamulladaa ka warqabaan hoy, cunto iyo ilaalaba, Tarzan kuwa Xamar muxuu siistay oo uu ka dhaliilaa? Midda kale, ma moogyahay la’aantood inaysan waxba kala dhaqaaqeen oo isagu xitaa uusan meeshaa madax ka noqdeen? Maxaa loo abaal dhacayaa!

Mudane Tarzan waxaa laga doonayo ma ahan RAARRLI GALIN kaliya sida uu dalbaday Nabaddoon Xaad, ee waxaa laga doonaa laba arrimood, inuu soo kala caddeeyo oo kala ah:

  1. Inuu sheego Odoyaasha caadaqaatayaasha ah magacyadooda oo saddaxan, illeen kuwaa Odoyayaal ma ehee.
  2. Inuu sheego Cidda ay ka caadada qaatan ama qolada siisa.

Hadduu labadaa soo kala caddayn waayo, anigu waxaan qabaa in uu is casiliyo, hadduu garan waayana, in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaado, ma ahan in looga qaadayo Odoyaal ayuu u gefay, ee waa inuu been abuur iyo gayri masuulnimo ku dhaqmay, ayna u wehliso fashal gaamuray, oo uusan waxba ka qaban ammaanka iyo nabadda gobolka, iska daa inu siyaasad ahaan wax ka bedelee.

Intaa haddaan ku daayo xilkiisa iyo ka aamuska ciidamada shisheeye, waxaan doonayaa inaan dhan kale u galo. Mudane Tarzan waxaa labada xil ee isa suran loo magacaabay July 2010, maalintaa waxaa ka soo wareegtay saddax sano, isagoo ka soo boqoolay Qurbaha oo uu muddo badan degannaa, in kasta oo dhawaanahan billaabay inuu isla raggiisii dhaleeceeyo, waa shaqo lagu yaqaan hadba qolada uu la Shaaha cabbo inuu dib ugu candhuufo, bal odayada uu dhaleecaynayaa saw ma ahan kuwii uu ahaan jiray af hayeenka? Bal adba.

Maalintaa uu xilka qabtay ilaa maanta Mudane Tarzan tallaabo la taaban karo ee uu qaaday yaa ii sheegi kara? Ha fududaan, oo ha la soo boodin, qashinkii baa la xaaqay, illeen qashinka iskaa wax u qabsho ayaa lagu xaaqee, imasa ayaa Hooyo Soomaali loo qarxiyey taa awgeed? Marka taa ammaanteed dumarka ayaa iska eh, ee isaga iyo inta la midka ah ma lahan.

Alshabaab ayaa Xamar laga saaray, sax, yaase ka saaray? Askarta dawladda iyo Amisom oo iskaashanaya, ee Mudane Tarxan talo iyo tusmo kuma lahayn! Waddooyinka Xamar uu dhisay? Yaa kugu yiri? Waddooyinka Xamar waxaa dhisay Turki, ee ma isagaa wax ka sameeyey.

Magaalada ayaa la galiyey Baallayaal ku shaqeeya Cadceedda, sax, waxaase galisay dawladda Norway, ee tarzan muxuu ku leeyahay?. Ammaanka ayaa sidii hore dhaama, oo uu gacan ka gaystay, oo haddaa isagu muxuu ammaan ka galaa, oo aad ugu saarisay? Saw ma ogid in kaligii uu magaalada ku maro laba gaari oo isaga si gaar ah u waardiyeysa?.

Dhanka kale, maadaama dalku yahay Federal [BEELAYSI ama GOBOLAYSI] Gobolka Banaadir waa Gobolka kaliya ee iskii isu bixin kara marka laga eego xag dhaqaale, xarumo caafimaad, waxbarasho, tiro dad iyo kaabayaasha dhaqaale, haddana, Tarzan baa la haray, waxaa loo dig iyo dam leeyahay sidii Jubbooyinka Maamul loogu dhisi lahaa, oo Xamar baanba maamul Goboleed haysane maxaa loogu dhisi waayey?

Inuu isku mashquuliyo sidii uu gobolkan maamul ay dadku soo doortaan u heli lahaayeen, wuxuu ka jeclaystay inuu bannaan baxyada ka qayliyo, kaaga darane, dad badan ayaa ku eedeeya in dadkan dharka loo soo xiro ay yihiin dad uu ka soo aruursho xarumaha barakacayaasha, midda ka sii daran baa ah, inuusan xigmad iyo hadal siyaasi ku hadal, ee had walba caadifaddu afduubato. Si aan loo hirgalin maamul dadku soo doorto isaga ayaa ka shaqeeyey, illeen ilaa maantadan wax taladeeda haya iska daaye, wax ku tala jira ma muuqato, isna taa dan weyn ayaa ugu jirta, illeen Boqortooyadiisa ayaa sii raagaysee.

Markii ay ahayd inuu sameeyo Guddi soo diyaarsha qorshe maamul loogu samaynayo Gobolka, ayuu u jeestay arrimo aan meeshaba ool. Waa iga weydiine, horta maxaan looga yeerin Baarlamaanka inuu hortago, illeen isaguba ammaan xumada ka jirta Gobolka qayb ayuu ku leeyahaye? Waxay ahayd oo kale inuu sameeyo tirakoobka dadka, si loogu diyaarso doorasho iyo coddayn, taa adayba maankaaga ku jirtaa, ee qorshaha Mudane Tarzan kama mid ahan.

Inta badan qoraalladayda marka aan sawir ka bixinayo xaaladda Waddanka, waxaan ku soo koobaa sidan: “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBKA SOOMAALIYA!” aqrite, Magaalada Muqidisho ma ISBADAL ayaa ka dhacay? Macne iyo mug mid uu ahaadaba, illeen walxuhu labadaa ayey u kala leexdaane.

Is rogiddaa ka dhacday; habka, hannaanka iyo hoggaanka Muqdisho, wax garab socday ma jirin ee la dhihi karo waxay bixin karaan ama baabi karaan wixii dhantaal, dhimaal iyo dhaamid ahaa. Waxaan uga jeedaa, rogmadyadii hore marna ma dhicin in “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBKA SOOMAALIYA!” ay hesho horseed ku haga hilin ay uga huleeli karto hudda halaagga ee ay ku habsatay.

Meel xun iyo magaal xasarad gaar u leh ma jirto. Waxaase jira MAAN MARAN iyo MAQAAM MURAN! Micnaha dadka iyo dareenkooda unbaa xume, daar ama duddummo daran ma jiraan. Waa tii la yiri: “Duddun dareensi iyo duggaashi ma gasho!” waxay tahay in aadan mar walba laba isku helayn, aan ku qotomiyo teennee, adoo xun magaalo ma wanaajin kartid. Dad iyo dabcigiis ka sii fog baan filaa. Maxaa yeelay; maan ahaan uma diyaarsanid, inta aan la gaarin maqaam iyo muuqaal.

Saddaxda qodob ee kala ah: 1- Muqdisho oo cududdii ciidan ee Alshabaab laga saaray. 2- Muqdisho oo laga hirgalshay kulankii duubabka DHAQANKA iyo SIYAASADDA. 3- Dhaqdhaqaaqya kala gaddisan, ee leh; dib u dhis, guriyeyn, cammiraad iyo wixii soo raac, ayaa waxay keeneen in Muqdisho ay noqoto magaalo aan magacii hore iyo muuqii hore midna lahayn, oo aan filayo inay tahay aragti aan qaldanayn, haddii aysan ka tan badin ALALAASKA iyo CAADIFADDU.

Haddaba, Muqdisho hoggaankeeda iyo hannaankeeda maxaa iska badalay? Qormo hore baan ku sheegay in la kala qaado labada xil ee kala ah: GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR iyo DUQA MAGAALADA MUQDISHO. Kuma ekaysane, waxaan ku daray in Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” qudhiisa aan laga reebin ragga uu haraadiga ka yahay, ee ay hore u soo wada shaqeeyeen.

http://bilediraac.wordpress.com/2013/04/18/haraadigu-yuusan-kala-harin/

Tii ka dhacday waaba la ogaa, dirir iyo docdocaynba la iga dayn waa. Waxaana la i weydiiyey su’aashan: “MAXAAD INANTA U TIRI; LABA NIN HA LOO WADA GUURIYO?”.

Anoo aragtidii qaba, oon marna ka tanaasulin, aysanna xurguf iyo xasarad na dhex ool aniga iyo Mudane Tarzan, oo aannaanba is garanayn, hunguri iyo hammina iga hayn xil guud iyo mid gaar ahaaneed oo laga qabto Muqdisho, wali waa taagan tahay baahida ah in labadaa xil la kala qaado. Kana sii muhimsane, wali waa taagan tahay baahida xidid siibka iyo jiridka jarka Musuqa iyo mururufaynta. Ma ahan in Mudane Tarzan aan eedaynayo, balse, aragti ahaan waxaan qabaa in hoggaankii hore ee uu hooris iyo hore meel uun uga jiray inaysan hufnaan ku shaqayn. Taana waxay keenaysaa in wali baqdintu tahay, haddaan Maska Madaxa laga goyn, ma dhinto!

Qodobkaasi waa hoggaanka magaalada, maxaa yeelay, had iyo jeer sida hoggaanku u wanaagsan yahay ama u xun yahay ayaa loo dib dhacaa ama loo hormaraa. Aan jalleeco dhanka kale, ee aan marna ka ahmiyad yarayn hoggaanka. Waxaanba dhihi karaa, waa midka dadka dhami wada arki karaan, ee ay xukun iyo xus ku sheegi karaan. Maadaama ay tahay ilqabato iyo marag ma doonto. Waana ammaankee, maxaa ka qabsoomay? Saw qaraxyadii dib uguma soo billaaban? Yaa u sabab ah, ma Odoyaasha mise madaxda uu Tarzan ku jiro?.

“Runta Rabbaa kugu jecel” waa tii la yiriye, maan dhabta abbaarno, mudane Tarsan wuxuu ilaashanayaa jagadiisa, sidaa darteed ma hadli karo, hadduu hadlana wuxuu ku weynayaa xilkiisa, haddaba, yaa weyn xilka ama muqaddasnimda dhulka Soomaaliyeed? Sida muuqata dad badan waxaa la weyn kursiga, maxaa yeelay meeshii aadan waxba ka qaban karin waa laga huleelaa ama laga dheeraadaa.

“Dariskaa kuma ccaddeeyo kumana madoobeeyo ee sida uu yahay ayuu kaa dhigaa” ayey maahmaah kale ahayde, sida Sheekh Shariif hadda u aamisan yahay in Xabashi walaalaheen yihiin, armuu isna sidaa oo kale u aaminsan yahay? In kasta oo uusan hadlin, haddana, aamuskaan ayaa shaki badin ku galinaya, maxaa yeelay xerta uu la quuto intooda badan way wada taageersan yihiin xadgudbyada dhacaya, marka Mudane Tarzan yuusan isku qarin aamuskee wax ha dhoho, dadka dhan ayaa dhankiisa soo dhuganayee.

Tan kale, afkaa qoyan u hadal waa laga fiican yahay, haddaad marka aad afka furtaba iska hantaatecee ama aad iska hadaaqee waa dhibkeeda, kaaga darane, haddaad meesha aad ka Kaadiso dab isaga dhajinee waa maangaabnimo, malaha waana midda uu tilmaamayey Malaaq Showri, marka uu lahaa: “Tarsan Dhimirkow la’ yahay, waa WAALAN yahay, Turkigana dhib weyn ayey ku haayaan XAMAR!” Halkan ka dhagayso: http://www.shaaciye.com/?nid=62049

Ugu dmabayn, Mudane Tarzan Odoyaal ha eedeeyee, horta, wax ka dhahay wiilasha xabasiyada CID ku uray? Wax ma ka dhahay dadka maalin walba Xamar la isaga xirto? Wax ma ka dhahay gabdhaha maalin walba lagu kufsado? Wax ma ka dhahay dhulka sida sharci darrada ah loo siinayo dawlado iyo shirkado shisheeye? Wax ma ka dhahay in Askariga Amisom inuu xaq u leeyahay inuu qofkuu doono dilo, haddana, aan loo raacan karin? Wax ka ma dhahay Odoyada uu maanta eedaynayo marka ay dood ka keeneen Dastuur ku sheegga, ee Mahiga, Gaas, Shariif iyo Amisom si toos ah ugu hanjabeen? Maalintaa xaggee jiray, mise maanta ayuu dhashay, oo uu eedaynna la soo toosay? Allaw adaa faxan.

 

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com