Dhageysi: Cadde Muuse Oo Ka Digay In Puntland Ku Burburto Gacanta Faroole

0

AirporGaroowe(AGGM) Jeneraal Cadde Muuse Xirsi, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa beeniyay eedo uga yimid madaxweynaha Puntland oo sheegayay inuu ka danbeeyey rabshadihii dadku ay ku dhinteen ee ka dhacay Qardho. Waxaana Jeneraal Cade Muuse  shaaciyey inuu u yimid dalka Soomaaliya sidii u badbaadin lahaa inay Puntland burburto.

Cadde ayaa sheegay in rabshadahaasi uu ka danbeeyey maamulka Faroole, wuxuuna sheegay in madaxweyne Faroole uu kaligii doonayo in ra’yigiisa maahee aan mid kale ka shaqeyn Puntland. Sidoo kale waxaa uu ku eedeyey Faroole inuu yahay nin doonaya inuu kursiga ku sii negaado.

Jeneral Cadde wuxuu sheegay haddii aan xal deg-deg ah loo geli xaaladdaha imika jiray ay Puntland ku soo socoto in burbur uu ku yimaado keeni kara in gobol-gobol ama tuulo-tuulo loo qeybsamo. Waxaana uu sheegey inaysan jirin cid la mid ah Faroole isla markaasna uu doonayo inuu khasab dadka iyo dalka ku maamulo oo uu burburiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inaysan jirin Boolis isaga baaritaan ku sameyey isla markaasna ogaaday inuu ku lug leeyahay xasaraadihii ka dhacay Magaalada Qardho,waxaana uu sheegay hadii uusan isagu meesha joogi lahayn in dhibaatadu sii xoogeysan lahayd isla markaasna burbur baahsan oo qabiil qabiil ku saleysan halkaasi ka dilaaci lahaa.
Ugu dambeyntiiCadde Muuse wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka Cabdiraxmaan Faroole ee sheegaya in Puntland ka go’do dowladda federaalka uu yahay go’aan u gaar ah kaligii oo shacabka Puntland ay doonayaan inay ka mid noqdaan dowladda federaalka ee Soomaaliya,waxaana uu sheegay in dadka reer Puntland ay aaminsan yihiin dawladnimadda ayna dawlada tageersan yihin.

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/08/03/11a56102-e0e7-4a3f-8aea-637a18878335.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com