Raaskambooni Oo Bareer Kismaayo Ugu Dishay Ganacsade Caan Ah

0

RaskiamboniKismaayo(AGGM) Jabhadda Raaskambooni ayaa sii wada dhibaatadda isugu jirta dilka ,dhaca,iyo Barakicinta,waxaana saacadihii la soo dhaafay xaafadaha Dalcadda,Via Afmadow,Guulwada & Xaafada Marino laga geystey dhacdo aad u yaaban badan,waxaana la sheegaya in boqolaal qoys laga saaray guryahoodii ay deganayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay guryaha dadka laga saaray la dejinayo dadka kale oo laga keenay Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay kuwaasi oo la doonayo in la dejiyo guryo aysan lahayn,waxaana arriintaaso noqotey mid aad ay ula yaabeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale shalay gelinkii dambe waxaa gudaha Magaalada Kismaayo si naxariis darro ah loogu dilay nin gacansade ah isla markaasna ahaaan nin dhalinyarro ah oo ay dileen ciidamo ka tirsan jahbadda Raaskambooni,kaasi oo la sheegay inay rasaas si xun ula dhaceen isla markaasna jirkisu go,go ay.

Sidoo kale boqolaal ruux ayaa saacadihii la soo dhaafay ka barakacay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo gaaray degaanada Jilib,Goobweyn,Beerxaani iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Jubadda Jubada hoose,waxaana la sheegaya inay dadkaasi haysato duruuf aad u qalafsan.

Ugu dambeyntii gabood falka ay jabhadda Raaskambooni ka wadaan gudaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegaya inay sii badanayso,iyadoo dadka shacabka ahi bilaabeen inay ka barakacaan Magaalada Kismaayo isla markaasna gaaraan degaanada ku dhaw dhaw Magaalada Kismaayo si ay nabad u helaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com