Dilal Kala Duwan Magaalada Galkacayo Xalay Ka Dhacay

0

dilalGaroowe(AGGM) Xarunta gobolka Mudug ee Magaalada Galkacayo waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday dilal iska daba joog ah kuwaasi oo loo geystey dad shacab ah oo aan waxba galabsan,waxaana la sheegaya inay dilalkaasi fuliyeen kooxo hubeysan oo kala duwan kuwaasi ka baxsaday meelihii ay dilka ka geystgeen.

Alle ha naxariistee waxaa xaafada Garsoor lagu dilay xalay fiidkii Cabdicasiis Maxamed Cali oo ka mid ahaa dadka ganacsatada ah ee ku Magaalada Galkacayo,waxaan dilkiisa la sheegay inay fuliyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado isla markaasna tiradooda lagu sheegay 3 ruux oo dhalinyaro ah.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa la sheegay inay halkaasi soo gaareen markii dilkaasi dhacay,waxaana la sheegay inay ku guuleysan waayeen inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilkaasi fuliyey oo la aaminsan yahay inay ka tirsanayeen kooxda Alshabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya degaanada Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa gudaha Magaalada Galkacayo lagu dilay nin kale oo la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo burcad ah kuwaasi oo la xaqiijiyey inay ku dileen mobile oo u watay,waxaana la sheegaya inay baxsadeen markii ay dilkaasi fuliyeen iyadoo la aaminsan yahay in kooxda ninkan dishay yihin burcad.

Ugu dambeyntii ma jiraan cid loo qabtey dilalkan kala duwan ee ka dhacay Magaalada Galkacayo,waxaana la sheegaya in xilli dhawaan laga hadlayey sida amaanka loo xaqjiinayo ay dib ugu soo laabatey magaalada Galkacayo xaalad amaan darrro ah,waxaana wararku sheegayaan inay jiraan dadaalo lagu doonayo in amaanka wax looga qabto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com