Alshabaab Oo Soo Bandhigey Rag Soomaali Ah Oo Ka Dagaalama Suuriya

0

9ZPcuKismaayo(AGGM) Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa warbaahinta u soo bandhigey sawiro muujinaya inay gacan saar la leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya isla markaasna ay ku jiraan soomaali ka qayb ah Alshabaab kana dagaalamaysa gudaha dalkaasi.

Argagixisada Alshabaab ayaa shaaciyey in ciidamadoodu qayb ka yihiin dagaalka lagula jiro Bashar Al-Asad isla markaasna dad soomaali ah oo ka tirsan Alshabaab dagaaladaasi qayb yihiin isla markaasna qaarkood ku geeriyoodeen dagaalada adag ee u dhexeya dawlada Suuriya iyo kooxaha mucaaradka ah.

Alshabaab waxay laba ka mid ah sawiradaas ku soo bandhigeen shabakadaha ay ku leeyihiin barta internet-ka isla markaasna waxay sheegeen inuu mid ka mid ah labada Soomaalida ah ee ka dhinaca dagaalamaysa mucaaradka dalka Suuriya uu geeriyooday ka dib markii uu ku dhintey dagaalada ka socda dalkaasi.

Ugu dambeyntii maahan dalka Suuriya meelaha shabakada Alshabaab ka dagaalamaan,waxaana hadda ka hor wadamada galbeedka afrika ku dhintey Soomaali ka tirsanaa ururadda Xaq jirka ah ee Al-Qaacida ku bahoobay,waxaana dhawr soomaali ah hadda ka hor lagu dilay wadanka Maali oo ay ku jireen kooxaha mayalka adag ee dalkaasi ka dagaalamayey.

Xigasho: Sawiradda Rajonews.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

9ZPcuR2uWT