Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Bilayo Bilicda Magaalooyinka

0

WarancaddeHargeysa(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxame dWarancade ayaa maanta soo saaray digreeto Wasiir oo uu ku amrayo dawladaha Hoose ee magaalooyinka waaweyn qorshe ka saacidaya kor u qaadista bilicda Magaalooyinka.
Sidaasna waxa uu ku sheegay digreerto uu maanta qalinka ku duugay oo uu ku socod siiyay Maayarrada magaalooyinka Hargeysa,Berbera, Boorame, Burco, Gabiley iyo Laascaanood. Waxaanu digreetadaasi ugu magac daray dib u habaynta Magaalooyinka dalka.

qoraalkaasi oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-“Waxaa hubaal ah in Bulshada Reer Somaliland ay yihiin bulsho lagu yaqaano amase ku caan baxday is-ixtiraam kala dambayn iyo qiiro Waddanimo, arrintaas oo dhaxal-siisay inay dhistaan Qaran Tiirar adag leh oo aan cid kale caawinin, waxaa kale oo lagu majeertaa Bulshada Reer Somaliland Dad u Feejigan Nabadooda, wadajirkooda iyo Horumarka Dalkooda.

Sidaas darteed, marka aynu milicsano hab-dhaqanka Magaalooyinkeena waxa ay gal-daloolooyin ka muuqdaan ilaalinta Bilicda Guud ee Magaalooyinka, waa hubaal in aynu qof qof u dhisanay Guryo iyo Goobo Qurux badan oo aynu ku bixinay dhaqaale fara-badan, oo marka aad soo dul-marto magaalooyinkeena aad arkayso quruxda dhismayaasha Magaalooyinka, laakiin marka aad dhulka u soo degto ee aad dhex marto, waxaan isku kaa qabanayn bilicda iyo dhaqaalaha galay dhismayaashaasi iyo fool xumada qashinka, camuuda iyo hadhaaga dhismayaasha
oo hortooda tuulan, sadexda mitir ee u dhaxeeya guriga qaaliga ah iyo wadada laamiga ah.

Sidaas awgeed, Magaalooyinkeena waxay u eekaadeen qof qaarka hore dhar qurux badan ka xidhan qaarka danbena ka qaawan, sid hadaba aynu muuqooda bilicda iyo quruxda Dalkeenu isku raaco waxa lama huraan ah in aynu qaadano talaabooyinka hoos ku qoran:

1. Markay aragtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo bilicda Magaalooyinka leh laamiyada sida Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley ,Burco iyo Laas-caanood.
2. Marka aanu aragnay in wax qof qaban karo Qaran ku xumaan karo.
3. Waxay soo saartay awaamiirtan hoos ku qoran:

a) Waxa la amrayaa qofkasta oo leh dhisme ganacsi ama dhisme guri oo ku soo jeeda wadooyinka laamiga ah in uu dhiso qurxiya’na sadexda mitir ee u dhaxeeya dhismaha iyo laamiga hor marta, isaga oo isticmaalaya marmarka dalka ama mid u dhigma.

b) Waxa la amrayaa meherad kasta in ay horteeda halka la dhigaayo marmarka ay ku beerto laba geed oo isagu waraabiyo.

c) Waxa la amrayaa in meherad kastaa ay yaalato haan yar oo ay ku ururiso qashinka inta uu soo maraayo Baabuurka qashinku.

d) Waxa la amrayaa in Dawladaha hoose isku duba ridaan habka farsamo ee loo samaynayo marmarka si qofba waxa uu doono iyo sida uu doono aanu u dhigin marmarka.

e) Waxa la amrayaa Dawladaha hoose in ay nidaamiyaan Taagista, Biraha dhaadheer ee Security Light-ka ee Magaalooyinka oo ah nooca standard-ka caalimiga ah ee dhaadheer, iyaga oo boqolkii mitirba ku xidhi doona haan caag ah oo dadka wadada maraya ay ku ridaan qashinka, subaxiina lagu qaado Baabuurta qashinka ee wadada u xil saaran.

f) Waxa la amrayaa dhamaan Dawladaha hoose in ay hirgaliyaan mashruucan dhamaadka bisha ramadaan.

g) Waxa la amrayaa in Dawlad hoose kastaa iyada ay bilawdo sadexda boqol ee mitir ee ugu horeeya Magaalo kasta si looga shidaal qaato, habka dhismaha loo samaynaayo, isla markaana waxay Dawlada Hoos mas’uul ka tahay qorshaha dhismaha iyo dabagalkiisa, isla markaana waxaa la farayaa gudoomiyayaasha Gobolada Taliye Qaybeedyada Booliiska in ay gacan ka siiyaan hir galinta mashruucan iyo soo celinta bilicda Magaalooyinka iyo Nabadgalyadooda.

h) Dawladaha Hoose waxaa la farayaa in ay habeen walba xaadhaan wadooyinka camuudu fuushay
i) Dadwaynaha waxaa lagu wargalinayaa in ay meherad kastaa ama dhisme kastaa ay ka mas’uul tahay nadiifinta hortooda isla markaana aan lagu shubin biyaha wasakhda ah laamiga.

Sidaas darteed, waxaa la idin farayaa in aad Digreetadan sideeda u dhaqan galisaan.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com