Wasaaradda Shaqada Somaliland Oo Shaacisay Inay Bilaabayso Diiwaangelinta Shaqaalaha Rayidka Ah

0

Agaasimaha-Guud-ee-wasaaradda-shaqadda1Muqdisho(AGGM) Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday inay bilaabayso diiwaangelinta shaqaalaha waddaniga rayidka ah iyo kuwa ajnabiga ah ee ka hawlgala dhamaanba goobaha shaqo ee kala duwan ee dalka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal shalay ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh), kaasi oo nuqul ka mid ahi uu xalay soo gaadhay xafiiska Somaliland.Org.

U jeedada laga leeyahay arrintan diiwaan gelinta shaqaalaha rayidka ah ayay wasaaraddu ku sheegtay inay tahay si loo helo tirade rasmiga ah ee shaqaalaha ka hawlgala goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha samofalka ee dalka ka hawlgala.sida shaqaalaha ka hawl gala shirkadaha ganacsiga, wershadaha, hudheelado, cusbitaalada, goobaha waxbarashada ee gaarka loo leeyahay hay’adaha samofalka, kuwa qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo ururada waddaniga ah.

Waxa kale oo qoraalkaasi lagu sheegay in talaabadani ay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada u sahli doonto in la helo xogta dhabta ah ee ku saabsan xaalada guud ee shaqaalaha rayidka ee dalka.Waxa kale oo qoraalkaasi lagu xusay in arrintani ay bar-bilaw u noqonaysa in la qiyaasi karo heerka ay taagan tahay shaqo la’aantu iyo shaqo abuurka dalka si loo qaado talaabada ku haboon.inkasta oo aan qoraalkan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada lagu xusin wakhtiga sida rasmiga ah loo bilaabayo diiwaangelinta shaqaalaha rayidka ah ee ka hawlgala dhamaanba goobaha shaqo ee dalka.

Dhinaca kale qoraalkaasi ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu wargeliyay dhamaan loo shaqeeyeyaasha goobaha shaqo ee dalka sida wershadaha, shirkadaha kuwa isgaadhsiinta, xawaaladaha, hudheelada, cusbitaalada, goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyaay sida dugsiyada, jaamacadaha iyo dhamaanba hay’adaha samofalka ee caalmiga ah iyo kuwa wadaniga ahba inay sida ugu dhakhsaha badan uga diiwaangeliyaan shaqaalahooda waddaniga ah iyo kuwa ajnabiga ahba wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

diiwaangelintan lagu samaynayo shaqaalaha wadaniga iyo kuwa ajnabiga ah ee ka hawlgala goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay ee dalka ayay wasaaraddu u cuskatay sida uu qeexayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland xeer Lambar 31/2004: qodobadiisa (3-(2-2.1) kaasi oo sheegaya maadaama oo ay Somaliland tahay dal xor ah isla markaana leh shuruuc xeer, nidaam iyo kala danbayn ku saabsan shaqaalaynta muwaadiniinta iyo ajnabiga marka loo baahdo.

Ugu danbayntii qoraalkaais ay soo saartay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ayay ku wargalinay dhamaanba hay’adaha kala duwan ee uu qoraalkani sida tooska ah ugu socdo inay u fududeeyaan kormeerayaasha si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com