Maamulka Puntland Oo Digniin Ka Jeediyey In Qaraxyo Lala Beegsado Degaanadooda

0

Puntland-State-UniversityGaroowe(AGGM) Maamulka Puntland ayaa xilli lagu jiro qabanqaabada Xuska Aas-aaskii maamulka Puntland ayaa digniino culus ka jeediyey inay Alshabaab qaraxyo ka geystaan degaanada Puntland,waxaana Maamulka Puntland amar ku siiyeen ciidamadooda qalabka sida inay amaanka xaqiijiyaan inta lagu gudo jiro Munaasabadaha.

Munaasabada Maamulka Puntland qabanayaan ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo inta bada gobollada Puntland isla markaasna lagu qabto xaflado aad u heer sareya oo looha hadlayo horumarka Maamulka Puntland gaareen intii la aas aasay,waxaana munaasabada ugu weyn inta badan ka dhacda Magaalada Gaaroowe.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay inay la socdaan weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho, hase ahaatee ay ka feejigan yihiin dhankooda. Waxaana uu gudoomiyuhu shaaciyey in goob kasta oo ka dhacayso munaasabadu ay amaankeeda ilaalinayaan ciidamada amniga maamulka Puntland.

Mudane Qarjab ayaa sheegay in dadweynaha ay uga digayaan in aanay guryahooda ka kireysan cid aanay aqoon u laheyn, oo qal qal ku ah ammaanka, waxaana uu ugu baaqay in laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan dadka ay ka shakiyaan. Waxaana uu sheegay cidii lagu helo inay guri ka kireysay cid aan la aqoon in talaabo adag laga qaadi doono.

Ugu dambeyntii Maamulka Puntland ayaa maanta u dabaal dagaya sanad-guuradii 15aad ee ka soo wareegatay markii maamulkaas la aasa aasay sanadkii 1998-dii,waxaana xilligaasi aas aasay Maamulka Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee degaanada Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com