Dhageyso: Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Baaritaan Wada Ka Dib Dil Xalay Dhacay

0

baladweyne2Muqdisho(AGGM) Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay inay bilaabeen baaritaano dheeri ah oo ku raadinayaan cidi ka dambeysay dilkii loo geystey afhayeenkii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kaasi oo ay xalay kooxo hubeysan ku dileen xaafada Hawlwadag ee Magaalada Baladweyne.

Taliyaha booliska Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku raad joogaan cidii ka dambeysay dilkii loo geystey Xuseen Cilmi Ibraahim oo la dilay xilli uu xalay saalad Maqrib isagoo ku sii jeeday Masjid ku yaala Magaalada Baladweyne,waxaana uu daboolka ka qaaday inay hayaan raad xaqiijinaya cidii ka dambeysay dilka marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay hore ugu guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii dilay Gudoomiyihi maxkamada garsoorka gobolka,waxaana uu sheegay in dilkan cidda ka dambeysa la soo qaban doono isagoo shaaciyey inay jiraan dad lagu tuhunsan yahay dilkaasi oo lagu dabo jiro.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ciidamada boolisku amaanka xaqiijin doonaan isla markaasna ay meel kasta oo magaalada Baladweyne ka tirsan ka hawlgali doonaan,waxaana uu daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in wax badan laga qabto xaaladaha amaan darro ee ka taagan Magaalada Baladweyne.

Ugu dambeyntii Aaska Marxuum Xuseen Cilmi ibraahim ayaa la sheegaya inay maanta ka dhici doonto Magaalada Baladweyne gaar ahaan Qabuuraha magaaladasi,waxaana aaskaasi ka qayb gali doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baladweyne oo maamulka Gobolku hormuud ka yahay.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/08/Cod-Baledweyne-1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com