UNHCR Oo Si Diiran U Soo Dhaweysay Inaan Lagu Deg-Degin Celinta Qaxootiga Soomaalida

0

UNHCR-3London(AGGM) Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhaweysay go’aankii ay 26-kii bishaan gaartay Maxkamadda sare ee Kenya oo ah in 55,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku kala sugan magaalooyinka kala duwan ee dalka aan dib loogu soo cilinin xeryaha Qaxootiga ee dhabaab.

Afhayeen u hadashay  haya’adda UNHCR oo lagu magacaabo Fatoumata Lejeuje Kaba ayaa shaaca ka qaaday  in qaxootiga ku nool magaalooyinka ay gacan weyn ka geysteen dhanka horumarka dhaqaalaha dalkaasi  Kenya, iyadoo intaa ku dartay  in qaxootigu ay xaq u leeyihiin in ay abuuraan mashaariic ay naftooda ku horumarin karaan.

Fatoumata ayaa sheegtay in go’aanka ay qaadatay Maxkamadda sare ee Kenya ay tahay mid lagu farxo, waxayna tilmaamtay in  markii hora amarka ka soo baxay dowladda ee ahaa in qaxootiga dib loogu celiyo xeryahii ay ka yimaadeen ay keentay dhibaatooyin lagu kaco dadka qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka ay ka midtahay Nairobi.

UNHCR ayaa ka dhawaajisay in go’aanka ay gaartay Maxkamadda sare ee Kenya uu yahay mid ilaalinada xaquuqda qaxootigu ay leeyihiin, waxaana ay hadda xustay in dalka Kenya oo kale aanay hayn dhowridda xaquuda balse looga baahanyahay wadamada kale ee ay qaxootiga ku noolyihiin.

Arrintaan ayaa markii hore waxa ay ka dambeysay markii falal amni darro ah ka dhasheen magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Kenya, taasi oo saraakiisha ciidanka keny ay amar ku bixiyeen in xeryaha qaxootiga ee dhabaab iyo Kakuma lagu celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala firaarsan magaalooyinka dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com