Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq u diray beelo ku dagaallamay qaybo ka mid ah G/Sh/Hoose

0

baaq-nabadeedMuqdisho(AGGM) Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo  maanta kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ku aadan colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulankan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha gudiga dib u heshiisnta Qaranka oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubbaha ku jir agudigaasu ayaa waxaa looga arrinsaday ariimo ay ka mid ahaayeen colaadaha maalnihii dambe ka soo cusboonaaday qaar kamid ah gobollada dalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, iyadoo halkaasi ay ku kala warqaateen mas’uuliyiinta gudiga iyo xubnaha.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaadya kadib waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Cali Muuse ayaa ka warbixiyay muhiimadda kulankooda iyo waxyaabihii ay kaga hadleen

“20-kii sano waxa uu dalku ku jiray marxalado colaadeed, taana hadda waa laga gudbay oo dalku waxa uu ku jiraa marxalad Federaal, marka waxaan baaq u dirayaa beelaha walaalaha ah eek u dagaalamaya goobaha ay soo magacaabay” ayuu yiri

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday colaadaha ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah tuulooyinka iyo degmooyinka hoostaga Gobollada labada Shabeela, isagoo soo jeediyay in la dhex dhigo dib u heshiis dhab ah,

Guddoomiyaha ayaa markale yiri “Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka waxa uu u taaganyahay labo arrimood oo ay ka midyihiin xalinta qilaafaadka iyo colaadaha sokeeye, marka waxaa naga go’an in aan ka qayb qaadano sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa bulshada Soomaaliyeed”.

Ugu dambeytii Ismaaciil Cali Muuse ayaa soo bandhigay qorshe howleedka ay gudiga dib u heshiisiinta ugu talagaleen in ay ku nabadeeyan in ka badan 10 gobal beelaha degan, si nabad ay ugu wada noolaadaan, loogana gudbo is qabsiga ka dhasha gacan ka hadalka ee inta badan sababa dhimasho iyo dhaawac.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com