Ciidamo Ka Socda Nigeria & Ghana Oo Maanta Ka Dagay Magaalada Baydhabo

0

AMISOMMuqdisho(AGGM) Cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga wadanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay maanta ka soo dageen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamadaasi ka socdaan wadamada Nayjeeriya iyo Gaana,waxaana qayb ka noqonayaan dib u soo celinta Nabad galyadii lagu yaqaanay dalka Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey in ciidamadasi saacadihii la soo dhaafay ka soo gadeen garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo isla markaasna farisiimo cusub ka sameysteen meelihi ay ka baxeen ciidamada dawlada itoobiya.

Ciidamadan ayaa la sheegaya inay qayb ka noqonayaan ciidamada Amisom ee hore ugu sugnaa Magaalada Baydhabo,waxaana lagu wadaa inay ku dadaalaan dib u soo celinta xasiloonidii lagu yaqaanay dalka Soomaaliya,waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamadan ay ku jiraan kuwo boolis ah oo caawin doona ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa  warfidiyeenka u xaqiijiyey iney magaalada Baydhabo ay gaareen cutubyo ka tirsan booliska nabad ilaalinta Amisom,gudoomiyaha ayaa sheegay in  booliska Amisom ee Baydhabo la geeyey ay ka kala socdaan wadamada Ghana iyo Nigeria.

Ugu dambeyntii ciidamadan ayaa ah kuwo ku cusub wadanka Soomaaliya iyadoo ay dalalka Uganda,Burundi,Siraliyoon & Kiiniya ay ciidamo ka joogeen wadanka Soomaaliya,waxaana ciidamadani noqonayaan kuwi ugu dambeyey ee degaanadaasi soo gaara isla markaasna ka qayb qaata dib u soo celinta xasiiloonidii dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com