Safaarada Holland Ee Dalka Kenya Oo Ka Digtay Weeraro Lalla Beegsanayo Reer Galbeedka.

0

topnews4Nairobi (AGGM): Safaarada dowlada Holland ee dalka kenya ayaa ka digtay suurtogalnimada weeraro ka dhan ajaaniibta oo ka dhaca dalkaasi Kenya, kadib markii dhawaan booliska dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa oo ku jiray labo katoon.

Waxii ka dambeeyay bishii October 2011 markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya, waxaana dalkaasi ka dhacayay weeraro afduubyo iyo qaraxyo lala eeganayay ciidamada dalkaasi iyo dadka u dalxiis tagi jiray xeebaha dalka Kenya.

Maalntii Arbacada 24 July ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa oo ku jiray kartooman oo la dhigay goob gaadiidka laga raaco oo ku taala magaalada Nairobi.

Afhayeen u hadlay dowlada Kenya oo lagu magacaabo Muthui Kariuki ayaa sheegay inaysan jirin wax cabsi ama digniino ah oo kadhan ah ajaaniibta ku sugan magaalooyinka dalka Kenya.

“Wadanka waa amaan, mana jirto wax walwal ah oo la qabo, amaanka dowlada ayaa gacamta ku heysa”ayuu yiri hadalkaan afhayeenka dowladda Kenya u hadlay.

Safaarada ayaa dhawaan waxay digniin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan dalkaasi, kaasi oo ku aadan inaysan u safrin meelaha qaar.

Afhayeenad u hadashay safaarada Holland ee dalka Kenya ayaa waxa ay u xaqiijisay wakaalada wararka ee Rueters in digniinta ay u direen ajaaniibta ku sugan Kenya, laakiin ma aysan bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan.

Weeradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo gobolada dhanka xeebaha iyo xuduuda dhanka Somalia, waxay sababeen in hoos u dhac uu ku yimaada dhaqaalihii Kenya ee kasoo galayay dhanka dalxiiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com