QM Oo Shaacisay Inaysan Hawlahooda Shaqo Ee Soomaaliya Aysan U Baajin Dooni Qaraxyada

0

UnitedNations1Muqdisho(AGGM) Golaha amaanka ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegey in ay ka go’antahay taageeridda dadaallada nabadaynta iyo dib u dhiska Soomaaliya ayagoo dhanka kala sheegey in  weerarada argagixiso ee ay geysanayaan kooxda Al-shabaab eysan qalqal gelin doonin dadaallada ka socda dalka.

War-saxaafadeed uu soo saaray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay ugu horeyntii  sida ay uga xunyihiin falkii wuxuushnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xarun ay degnaayeen shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho kaasi oo gesytay qasaare aan sidaa u balaarnayn.

Afhayeen u hadlay xafiiska xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Magaalada Newyork ayaa sheegey in qoraalka ay soo saareen  golaha amaanka ay kaga hadleen arimo badan oo quseeya Soomaaliya sida Siyaasadda , Amaanka iyo dadaalada dib u dhiska.

‘’xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu cambaareynayaa weerarkii argigixsanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho dhawaan waxaana tacsi u diraya shacbka Turkiga waxyeelladii soo gaartey muwaadinintooda’’ ayaa lagu yiri war-murtiyeed

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa carabka tilmaamay in loo baahan yahay in dadka dembiilayaasha ah ee falalkaasi ka damvbeyay mar un cadaalada la horkeeno, waxaa ay sidoo kale mar kala ku celiyeen sida ay uga go’antahay taageeridda hannaanka nabadeynta iyo dib u soo celinta xasiloonpda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com