Dhageyso: Wasiirka Gashaandhiga Oo Su,aalo Baarlamaanka Uga Jawaabaya

0

FIQI-300x251Muqdisho(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta hor tagay baarlamaanka waxaana halkaasi lagu waydiiyey su,aalo dhawr ah oo ku aadan xaaladihii ugu dambeyey ee gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana ka mid ahaa su,aalaha ka waydiyey in saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalku ka qayb qaateen dagaaladii halkaasi ka dhacay,waxaana wasiirku kaga jawaabay eedeymahaasi kuwa aan waxba ka jirin.

Wasiirka gashaandhigu waxaa uu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaliya isugu jiraan qabiil kasta isla markaasna aysan dhicin in ciidamadasi ay la kala saftaan laba maleeshiyo beeleed,waxaana uu sheegay in wasaarada gashaandhigu arrintaasi baaritaano ku sameynayso isla markaasna talaabo adag laga qaadi doono cidii arrintaasi lagu helo.

Ugu dambeyntii waxa uu wasiirka gashaandhigu sheegay in talaabo ku haboon laga qaadi doono askarigii ka tirsan ciidamada xooga dalka isla markaasna lagu helo inuu ka qayb qaadanayey dagaalo qabiileed,waxaana uu sheegay in dadka dagaalamayaa u badan yihiin dad reer guuraa ah isla markaasna u baahan in iyagan wacyi gelin loo sameeyo ku aadan nabadda.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Wasiirka-Gaashaandhiga-oo-Baarlamanka-Hortagay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com