Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Baaqay Shacabka Ilaalinta Ammaanka.

0

Madaxweyne-Xasan-iyo-safiirka-Turkiga-ee-SoomaaliyaMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed uu xil weyn ka saaran yahay ilaalinta ammaanka iyo xuquuqda dadka u dhashay dalka Turkiga ee jooga gudaha waddanka Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan ammaanka dadka u dhashay dalka Turkiga, si loo horumariyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalka Turkiga.

Wuxuu xusay in dowladda Turkiga ay horumar iyo taageero la taaban karo ka sameysay gudaha Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in xil weyn la iska saaro ammaanka, iyo dhawrista xuquuqda ay leeyihiin dadka Turkiga ka jooga Soomaaliya ee ku howlan hirgelinta mashaariicda lagu horumarinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay mar uu shalay booqday xarun ay Turkiga ku lahaayeen degmada Hodan oo maalin ka hor ay qarxiyeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com