War Deg Deg Ah: Ciidamada Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Ku Soo Dhawaaday Magaalada Kismaayo Iyo Raaskambooni Oo Kala Cararaya.

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo uu wato Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Aden Shire in ay ku soo dhawaadeen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamadan oo aad u hubeeysan ay magaalada aad ugu soo dhawaadeen halka kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina ay gadaal ka mareen ciidamada Kenya.

Waxaa jira dareen colaadeed oo xoogan oo ka taagan gudaha magaalada Kismaayo iyadoo magaalada lagu dhex arkayo ciidamada Kenya oo wata gaadiidkooda dagaalka, halka kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku xaroodeen Jaamacada, Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn halka ay ku danbeeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo oo hadda u eg mid foolanaysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com