Jabhadda Raaskambooni Oo Ku Ururtey Madaxtooyada & Saldhiga Kismaayo

0

Ciidamada_RaaskambooniKismaayo(AGGM) Ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbalaand gaar ahaan garabka Madaxweyne Col Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa la sheegayaa inay caawa ku hoydeen duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan dhinaca Jaamacadda Kismaayo & dhinaca xeebta Calanleey halkaasi oo ay farisiimo ciidan ka sameysteen.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin fariisimahaasi,waxaana lagu wadaa inay saacadaha soo socda gudaha u galaan Magaalada kismaayo halkaasi oo ay hore uga saareen ciidamada  dawlada kiiniya oo gacan siinaya Jabhada Kambooni,waxaana la sheegaya in hadda weerarkani yahay mid culus oo ay ciidamada Bare Hiiraale ay doonayaan inay xoog kula wareegaan Magaalada Kismaayo.

Jabhadda Raaskambooni ayaa caawa la sheegayaa inay ku sugan yihiin Xarunta Madaxtooyadda Iyo Saldhiga Degmada Kismaayo halkaasi oo ay ka sameysteen difaacyo,waxaana la sheegaya inay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan inay ku difaacdaan magaalada Kismaayo oo ay dhibaato xoogan ku hayaan.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Madaxweyne Bare Aadan Shire ayaa shaaciyey inay doonayaan inay Magaalada Kismaayo ka sifeeyaan maleeshiyaadka laga soo daad guureyey xeryaha Qaxootiga ee Dhabaab ,Gaarisa Gubaay & kilinak 5-aad,waxaana uu sheegay inaysan u dul qaadan doonin in Jabhaddaasi ku sii sugnaato magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegaya inay soo foodsaaartey Cabsi baahsan iyo niyad jab,waxaana la sheegaya inay qaarkood doonayaan in hadii xabad bilaabato ay ka baxaan Magaalada Kismaayo isla markaasna degaanadii laga soo dhoofiyey ay dib ugu laabtaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com