Ergeyga QM Ee Soomaaliya Oo si Kulul Uga Hadlay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Lagu Qaaday Xarunta Turkida Ee Magaalada Muqdisho.

0

Nicholas-Kay.Muqdisho (AGGM): Ergeyga Qaramada Midoobey u qabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday xarun ay degenaayeen Shaqaalaha Safaarada Turkiga oo ku yaal degmada Hodan.

War saxaafadeed ka soo baxay Nicholas Kay ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ka mid yahay weerarada Argagixiso ee Al-Shabaab ay qaadeysay inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Mr Kay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay qasaaraha soo gaaray shaqaalaha Turkiga iyo dadkii rayidka, isagoo uga tacsiyadeeyay dowladda Turkiga.

“Waxaan dowladda Turkiga uga tacsiyadeyneynaa weerarkaasi lagu qaaday hoyga ay shaqaalahooda ku sugnaayeen, sidoo kale dadkii noloshooda ku waayay iyo kuwii ku dhaawacmay intaba, Turkiga waxa ay si geesinimo leh uga shaqeynayeen gudaha dalka sanadihii ugu dambeeyay oo ay caawinayeen shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Mr Kay

Nicholas Kay ayaa sheegay in weeraradaas aanay marnaba hakin doonin howlaha Qaramada Midoobey iyo hey’adaha kale ee saaxibka la ah ka wadaan Soomaaliya, ayna sii laba jibaarayaan taageerida dadka Soomaaliyed sidii horumar loo gaarsiin lahaa.

Wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadoly ayaa sheegtay in askari Turkish ah uu ku dhintay, iyo dhaawaca shaqaalahooda, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada Turkiga xalay laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com