Ahlusunna Waljamaaca Oo Cambaareeysay Qaraxii Lagu Weeraray Xarunta Turkiga.

0

soomoowMuqdisho (AGGM) Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalka Banaadir ayaa Cambaareeyay Weerarkii Kooxda Alshabaab shalay galab ku qaatay Xarunta Safaarada Dalka Turkiga ay ku ledahay Magaalada Muqdusho.

Sheekh C/Qaadir Soomow oo ka mid ah Ururka Ahlusuna ayaa sheegay in ay si aad ah u cambaareeynayaan tilaabaa ay qaadeen Ururka Alshabaab waxa uuna sheegay in ay tahay wax laga yaabo in Dalka Turkiga ay gaalo ku sheegeen.

Mr Somow ayaa ku eedeeyay Kooxda Alshabaab dad aan aqoon durugsan u lahayn Diinta Islaamka waxa uuna waydiiyay meesha ay ku taal in dhiig Islaam la daadiyo iyo cida u baneesay.

Ururka Ahlusuna ayaa sheegay in ay ka xun yahiin weerarkaa dadka Isaalmka ah ee u yamid Soomaaliya in ay caawiyaan walalahood Muslimiinta ah lala eegtay waxa uuna ku sheegay tilaabadaa in ay tahay mid Alshaaab Umadda Soomaaliyeed ku doonayso in ku cirib tirto.

Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ayaa Dowlada Soomaaliya u soo jeediyay in loo baahan yahay in iskaashi kala samayso amaniga Qyabaha kala duwan ee Bulshada ee aysan kaligeeed ku dhaqaaqin sugida amaanka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com