Qarax Xoogan Oo Gilgilay Isgoyska Sanca(Sawiro)

0

QaraxMuqdisho(AGGM) Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo dhawaaqiisa laga wada maqlayey guud degaanada u dhaw dhaw isgoyska Sanca,waxaana qaraxaasi ka soo baxaya warar kala duwan iyadoo la sheegayo in qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Dadka degaankaasi ka dhaw dhaw qaarkood ayaa aaminsan in qaraxaasi ahaa nooca dhulka la geliyo isla markaasna ay la kacday gaariga iyadoo qaarkood ay sheegayaan in gaarigaasi uu miineysnaa,waxaana hadda goobta qaraxu ka dhacay soo gaarey ciidamo ka tirsan kuwa booliska dawlada federaalka ah.

Qaraxan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkastoo aan la ogeyn inta khasaarahaasi leeg yahay,balse waxa goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Gurmadka oo halkaasi ka soo qaadaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi,waxaana la aaminsan yahay in dad shacab ahi ku waxyeeloobeen qaraxaasi.

Ugu dambeynti Isgoyska Sanca ee Waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa ku taal goob baabuurta BL-ka laga raaco, waxaa ku yaala goobo ganacsi kala duwan. Waxaan Inta badan meeshaasi tahay meel mashquul ah oo ay ku badan yihiin dadka shacabka ahi,waxaana ku yaala goobo ganacsi oo ay dadku wax ka iibsadan iyo sidoo kale meelo baabuurta BL ka ah laga raaco.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC00433DSC00434DSC00446DSC00470DSC00473DSC00479DSC00496DSC00499