Alshabaab Oo Xalay Kala Didiyey Maleeshiyaadka Raaskambooni & Kuwa Kiiniya

0

KismaayoKismaayo(AGGM) Dagaal saacado kooban ka socday duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan meesha loo yaqaano Geed Kama Shiisheeyo waxaa kooxda Falaagada Alshabaab u suuro gashay inay xoog degaankaasi kula wareegaan mudo kooban markii ay kala diideyeen Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamadii kiiniya ee halkaasi ku sugnaa.

Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku soo qaaden fariisin ciidamada Kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni ku lahayeen halkaasi,waxaana la sheegay in dagaalkaasi ahaa mid culus oo sababay in kooxaha Dagaalamaya ay afsaar iskaga dhigeen dagaalkaasi.

Ciidamadii Jabhadda Raaskambooni oo fariisinkooda ugu horeyey ayaa la sheegay in la soo jiiray isla markaasna ay u soo carareen dhinacii fariisinka ciidamada Kiiniya,waxaana la xaqiijiyey in labada dhinac ee Kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni halkaasi ka baxeen isla markaasna u carareen dhinaca Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Faalagada Alshabab ayaa la shaaciyey inay halkaasi ka baxeen isla markaasna dib ugu laabteen degaanadii ay dulaanka ka soo qaadeen,waxaana sidoo kala xaqiijiyey inay Alshabaab dagaalkaasi ku furteen saad badan oo ciidamada Jabhadda Raaskambooni halkaas ku haysteeyn.

Ugu dambeyntii ciidamada Kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni ayaa deris la noqday weerar isugu jira qaraxyo iyo dagaallo toos ah ay ku qaadayaan ciidamada Falaagada Alshabaab ee ka dagaaalanta gobollada Jubooyinka kuwaasi oo doonaya inay dhibaatayeen ciidamada isgarabsanaya ee  qabsadey magaalada Kismayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com