Ciidamada Booliska Kenya Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Walxaha Qarxa Oo Loo Waday Magaalada Mombasa.

0

kenya policeMombasa (AGGM): Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen  waxyaabaha qarxa oo loo waday magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya

Afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi inay gaari bus ah oo ku socday magaalada Mombasa oo ka tagay caasimada Nairobi ay ka dhex heleen Sanduuqyo ay ku jiraan waxyaabahan qarxa oo ay aaminsan yihiin in loo waday xubno xiriir la leh falaagada Al-Shabab oo jooga magaalada Mombasa.

Boolisku waxa ay sheegeen in walxahaan ay qabteen ay ku jiraan bambaanooyin, iyo miinooyinka dhulka lagu aaso waxaana ay intaasi ku dareen inay baarayaan cida sida dhabta ah u leh.

Patrick  Aduma oo ka tirsan booliska magaalada Nairobi ayaa u sheegay wakaalada warar Reuters inay hadda su’aalo waydiinayaan wadihii gaariga waxaana uu intaa ku daray inay tuhunsan yihiin ruuxii watay uu baxsaday.

Kenya dhawr jeer ayay sheegtay inay qabatay walxo qarxa oo la doonayay in dalkeeda la geeyo, waloow dadka rayidka ah ee reer Kenya ay shaki badan ka muujinaya hadaladan kasoo yeeraya mar walba Boliiska dalkaasi ee ah walxaha qarxaanu qabanay, iyagoo sheegaya warka Boolisku in uu yahay war Kenya ay ku doonayso in ciidamadeeda ay ku sii sugnaadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com