Kismaayooy Yaa Ku Leh,Yaase Ku Daga ?

0
kismaayo21Marka aad maqashaan magaca magaalada kismaayo waxaa kugu soo dhacaya magaalo fac weyn oo aadna u balaaran soomaalida oodhana ay aad u wada garanayso.kismaayo waxaa dega in ka badan 40 qabiil oo soomaali ah waana halka wax ee ay uga  duwantahay magaalooyinka kale ee soomaaliyeed . wixii ka horeeyey 1991 dii kismaayo dadka dega waxay ahaayeen dad siman magaaladuna waxay caan ku ahayd nabad iyo xasilooni.
kismaayo maaahan meel hal qabiil sheegan karo waase lagu kala badnaan karaaa waxaase layaab ah in ay maanta sheeganayso ay hal beel oo ka kamid ah qabiilooyinka   ugu yar ee dega jubbada hoose  waa  beesha kablalaxe oo ayadu hal xaafad oo la sheego aan ka dagin magaalada kismaayo.
hanti muuqata oo la sheegana aan ku lahayn gabi ahaanba magaalada kismaayo waxayse rabaan inay kenya ku xalaalaystaan dhul iyo hanti dad leeyahay sida aad la socotaan waxay aaminsanyihiin inay iyagu kismaayo leeyihiin cidkalana aysan la sheegan karin.waase wax la isaga daba imaan doono.

Kismaayo waxay ka koobantahay  4 xaafadood oo waaweeyn mana ahan wax qarsoon cid walba meesha ay ka degto xaafadahaas bal aqriste ma sheegi kartaa hal xaafad oo ay degto beesha kablalax?.Ka hadli maayo guri ama qol meel ka taagan.
Maalmahaan waxaan maqlayey beesha kablalax oo ku waalatay xaafada Guul wade oo hada ah xaafada ugu bilicda san magaalada kismaayo ayadoo xaafadaas ay dagto beesha sade.ayadoo xaafadaas sida aan ognahay loo gaystay boob,dhac iyo kufsi inkastoona xaafadaas kaliya ku koobnayn dhaca iyo bililiqadu sidoo kale waxaa loo gaystay xaafadaha kala ah, Via afmadow.Dalcada,Calanleey,Isku filan, iyo farjano oo dhamaantod ay dagaan qabiilooyinka soomaaliyeed sida,Sheeqaal,gaaljecel,wardeey,baajuun,cowr maleh,beesha sade iyo dhamaan qabiilooyinka soomaaliyeed ee daga magaalada Kismaayo
waa la yaabe beesha kablalax hadii ay hanti iyo xaafado ku leedahay magaalada kismaayo maxaa ku kalifay inay bililiqo,dhac iyo kufsi ka gaysato.mise waxay ogtahay beesha kablalax inaysan dhulkaan waxba ku lahayn bari na ay raaci doonto taangiga kenya ee ay meesha ku timid
Kismaayo waxaa ay soo martay marxalado badan balse mida hada ka taagan ee ah tacadiyada iyo boobka lagu hayo dadka reer kismaayo waa mid aan horay usoo marin tusaale ahaan beesha sade mudo badan ayay magaalada gacanta ku haysay cid bililiqo iyo dhac loo gaystana ma aysan jirin dhowrka ganacsade ee beesha kab lalax ka jooga magaalada kismaayo waxaa ay ahaayeen dad ku nool amaan iyo xoriyad cid hantidoda,naftooda iyo gabdhahooda hunguriyeyn jirtay ma aysan jirin.

Taasna waxaa ay cadayn u tahay Nasabnimada Beesha Sade iyo Soomaalinimada ay ogoshahay.sidoo kale Beesha Sade beelaha kale ee soomaaliyeed waligood waxba kama tirsan sinaan iyo cadaalad ayay kuwada noolyihiin. beesha sade dulmiga ma ogola.
Beesha Sade Gardarada iyo Gumaysigana Xabad ayey ka xigtaa: Wabilahi Towfiiq
W/Q: Liban Aar Sade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com