Dhageyso:- Dowlada Oo Wax Ka Qabanaysa Diyaaradaha Aanan Tayada Lahayn

0

Ciilmooge-duhur_com_1Muqdisho(AGGM) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi oo la weydiiyay qorshaha Wasaaradiisa uga dagsan diyaaradaha duugoobay ee aan la isku haleyn karin amni ahaan ayaa waxa uu faahfaahiyay sida wax looga qaban karo diyaaradahaasi.

Su’aasha oo ka timid xubnaha Baarlamaanka ayaa isaga oo ka jawaabayay Wasiirka waxa uu sheegay in diyaaradahaasi ay sax tahay in lagu dhib qabo balse waxa uu sheegay in marka sharciga hawada ay meelmariyaan Baarlamaanka ay diyaaradahaasi ka qaadan doonaan go’aan inaysan ka shaqeyn gudaha dalka.

Wasiirka Waraafinta Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in haatan waxii ka dambeeya dadka ka yimaada dibadaha iyo kuwa u aada ay si toos ah u tagi doonaan garoomada ay doonayaan oo aysan jirin doonin in magaalooyin kale ay sii maraan iyo safarka dhulka ah ay isticmaalaan.

Ugu dambeyntii diyaarad qaaday madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa kusoo baxday cilad xili uu madaxweynaha kusii jeeday dalka Koofurta Suudaan wixii xilligaasi ka dambeeyana waxaa soo baxaye eedeynta loo jeedinayo diyaaradaha ka shaqeeya dalka.

[ca_audio url=”http://www.kalshaalenews.com/wp-content/uploads/2013/07/DHAGEYSO-WASIIRKA-WARFAAFINTA-MUDANE-CIILMOOGE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgagladuud

Allgalgaduud@gmail.com