Axmed Madoobe Oo Ku Lug Yeeshay Qaraxii Hotel Paradise Mombasa Iyo Isku Daygi Qarxinta Diyaaradi Ay Laheed Shirkada Arkia.

0

cadaanMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho wayaa waxa ay sheegayaan in xogta uu Sheekh Xasan Daahir Aweeys u sheegay ugana warbixiyay sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo kuwa reer Galbeedka ayaa waxaa kamid ahaa in Xasan Turki iyo Axmed Madoobe ay ka danbeeyeen Qaraxii ka dhacay 2002 Paradise Hotel ee magaalada Mombasa oo uu lahaa muwaadin Israaiili ah iyo isku daygii lagu doonayay in lagu qarxiyo diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Arkia oo laga leeyahay dalka Israaiil.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu sheegay in waqtigaas Xasan Turki uu ku heeystay ciidamo ah kuwa mayalka adag deegaanka Raaskambooni oo xarunta ciidankiisa ahayd, islamarkaana halkaas tabaro lagu siin jiiray dad farabadan oo kala yimid dalalka Afrika,Axmed Madoobena waxa uu ahaa Taliyihi Ciidamada Xasan Turki, waxa uuna qaabilsanaa tababarada iyo hoowgalinta ciidamada Xasan Turki.

Xogtan naga soo gaareeysa magaalada Muqdisho ayaa waxa kale oo ay sheegaysaa in Axmed Madoobe uu tababar ciidan ku siiyay deegaanka Raaskambooni ilaa marki dambe iyagu ay noqdeen tababareyaal si aad ah ulla shaqeeysa Axmed Madoobe waa Fazul Abdullah Mohamed, oo u dhashay Comoros, Saleh Ali Saleh Nabhan, oo u dhashay Kenya iyo Abu Taha Al-Sudan oo u dhashay Sudan, ahaana ragii fuliyay qaraxyadii ka dhacay, safaardaha Mareykanka ku leeyahay Kenya iyo Tanzania, Paradise Hotel iyo isku daygii lagu doonayay in lagu qarxiyo diyaarada ay laheed shirkada diyaarada ee Israel Airline, islamarkaana uu Axmed Madoobe deegaanka Raaskambooni uga soo diray walxaha qarxa ee Hotelka lagu qarxiyay iyo gantaalada laga gamo garabka ee loo yaqaan Strela 2 (SA-7) ee loo adeegsaday weerarka diyaarada.

Qaraxa Paradise Hotel 28 November 2002 ayaa waxa uu dhacay kadib markii ay soo dageen 60 muwaadin oo u dhashay dalka Israaiil , kadib markii uu gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala beegsada, waxaana ku dhintay 13 ruux oo ay 10 ruux u dhalatay dalka Kenya halka 3 ruuxna ay u dhasheen Dalka Israaiil oo laba ay ahaayeen caruur, halka ay ku dhaawacmeen 80 ruux.

22 June 2006 ayay ahayd markii Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka, Jendayi Frazer mar ay u warantay wargeeyska Somaliland Times waxayna sheegtay in ay dowldda Mareykanka weeydiisanayaa Maxkamada Islaamiga inay soo qabtaan ragga lagu tuhunsan yahay inay geeysteen qaraxyada geeystay oo kala ahaa sida ay sheegtay Fazul Abdullah Mohamed, Saleh Ali Saleh Nabhan, Abu Taha al-Sudan taas oo aan suurogalin.

Dhinaca kale 20 December 2006, Salad Cali Jeelle oo ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa waxa uu usheegay dowladda Mareykanka in Abu Taha Al-Sudan uu kamid yahay hogaamiyeyaasha Maxkamadaha Islaamiga ee weerarka ku soo qaaday xarunta dowladda KMG ah ee Soomaaliya dagaalki 2006 ee magaalada Baydhabo.

Maxaad Ka Taqaan?:

Xasan Turki ayaa hadda waxa uu  fariisimo ciidan ku leeyahay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo uu ku tababaro maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee Raaskambooni, waxaana dad xog ogaal ah ay sheegeen in bil walba $30,000 ilaa $40,000 kun oo doolar looga diro canshuurta laga qaado dadka ku nool magaalada Kismaayo.

Isku Soo wada duuboo wareeysigan ay la yeesheen Sirdoonka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa suurogal ah inuu noqdo mid soo afjara colaada ka aloosan Soomaaliya, waxaana lagu ogaanayaa xogta dad farabadan oo ka dhex muuqday Ururo Diimeedka Soomaaliya iyo Kuwa ka tirsanaa balse Qarsoonaa oo isugu jira qeeybaha dadka Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Halkan Guji Kana Akhriso Xogta Kale Ee Sheekh Xasan Daahir Aweys Sheegay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com