Wasiir Fiqi Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Kadib Safarro Shaqo Oo Uu Ku Tagay Dalalka Itoobiya Iyo Kiiniya.

0

fiqi11Muqdisho(AGGM) Wasiirka gaashandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ku tegay dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa faahfahin ka bixiyay kulamo looga hadlayo ammaanka oo uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula soo qaatay mas’uuliyiinta Dalkaasi.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ee aadan Cadde Warbaahinta Qaranka kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uu la kulmay R/wasaaraha Ehtiopia oo uu u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo intaa ku daray in ciidamada Ethiopia ee ka baxay Baydhabo ay qabteen howlo amni oo aad u muhiimsan.

“Mas’uuliyiintii aan la kulmay waxaan isku afgaranay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo in la sii wado howlgallo howlgallada lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sidoo kale sheegay intii uu ku sugnaa dalka Ethiopia uu halkaasi kula kulmay safiirada dalalka Soomaaliya gacanta ku siinaya sugidda amniga guud ee dalka oo uu tilmaamay inay isla soo hadal qaadeen arrimo ay ka mid tahay xoojinta .

Mar la waydiiyay Wasiirka Difaaca ee dalka Su’aal ahayd in ciidamada Kenya ee Jubbooyinka ka howlgalla ay qayb ka yihiin qalalaasaha halkaasi ka taagan, ayuu ku sheegay inay jiraan wadahadallo u socda Madaxda Dowladda iyo kuwa Kenya, kuwaasi oo uu xusay Wasiirku in ay meel xaasaasi ah marayanaan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay mira dhalaan wadahadaladaasi.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com