Midowgga Yurub Oo Baaq U Dirray Dowladdaha Dariska La Ah Soomaaliya.

0

eu flagBrussels (AGGM): Ururka midowgga Yurub ayaa ugu baaqay dowladdaha dariska la ah Soomaaliya in ay ka gacan mug leh ka geystaan xasilinta iyo wada hadallo siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaqan-galla si markaa dib loogu soo celiyo xasiloonidii iyo daganaashii dalka Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Golaha Arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu muujiyay muhiimadda uu daris wanaagga uu u leeyahay nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dalalka dariska ah iyo beesha caalamkuba ay dhiirra-geliyaan wada-hadallada siyaasadda Soomaaliya iyo caawinta dib-u-heshiisiinta oo ay diyaar u tahay inuu ka gacan siiyo Ururu-goboleedka IGAD.

“Wada-shaqeyn gobol oo dhab ah kaliya door kama cayaareyso in Soomaaliya xal loo helo, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa jawi xasilloon oo weyn iyo barwaaqo uu gobolku gaaro” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Midowga Yurub wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, wuxuuna dowladda iyo baarlamaanka federaalka ah ku ammaanay dedaallada isbeddel-doonka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com