Daawo Faallo: Qaxootigii Dalka La Soo Dejiyey,Burburkiina La Iib-Geyn Jirey Maxaa Waalay ?

0

corruptionMuqdisho(AGGM) Mahad oo idil Ilaahey baa leh, nabad iyo naxariisina Rasuulka dushiisa Allaha yeelo intaas ka dib.

Waxaan jeclaa inaan Maanta Maqaalkeyga ku soo bandhigo arrimo badan oo ka taagan dalka Soomaaliya uu muuqda mid hadda lagu soo duulay isla markaasna ay ku soo duuleen Dad Qaxootinimo lagu keenay dalka Soomaaliya isla markaasna lagu beeray degaano badan oo dhulka Soomaaliyeed ah.

Xukumaddii Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare oo dad jaceyl iyo wadannimo leh u soo rartey dad badan oo laga soo daabulay Degaanada Kilinka 5-aad ee Itoobiya halkaasi oo uu Xukunkii Mingiste Xayle Maryam ku hayey dhibaato baahsan oo isugu jirey Kufsi,dil,dhac iyo boob ayaa maanta dhulka Soomaaliyeed ku haya dhibaato lixaad leh isagoo hor boodaya dawladda Kiiniya oo hore gumeysi dadkaasi ugu hayn jirtey hadana ku haysa degaanada Waqooyi bari dalka Kiiniya.

Xukumadii Siyaad Bare waxay dadka ka soo jeeda Ogadeen u gashay abaal aad u balaaran kaasi oo ah inay dejisay degaano aysan waligood degin isla markaasna aysan ehel u hayn lahaanshaha  dhulkaasi,waxaana degaanadaasi ka mid ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya hadana loo yaqaano Hargeysa. Xukumadii Siyaad Bare Tuulooyin u dhaw dhaw degaankaasi ay dejisay kumanaan qoys oo Beeshaas ka soo jeeda.

Sidoo kale waxaa Xukumaddii Siyaad Bare Gobolka Hiiraan dejisay Kumanaan ruux oo kale kuwaasi oo lagu beeray inay degaan Wabiga dhinaciisa isla markaasna looga sameeyey Xero Qaxooti oo lagu qaybin jirey Caano Boore iyo Galley isla markaasna waxay degaanadaasi oo ay qaxooti ku hayeen ka falan jireen beero yar yar.

Sidoo kale Xukumadii Siyaad Bare waxay soo rartey Haraadiigi ka soo harey Gaarisa Gubaay,oo qaar badan oo Beesha Ogadeen ka soo jeeda lagu xasuuqay isla markaasna xukumadii Danial Arap Moi uu si xaf dhaaf ah u gumeysan jirey,Waxaa Xukumadii dalka Soomaaliya ka jirtey xilligaasi dadkaas qaarkood ka dhigtey saraakiil Soomaaliyeed iyagoo aan u dhalan dalka Soomaaliya.

Qaxootigan oo dhawaan qaarkood Xaflado ku qabteen Wadanka Canada waxay sheegeen in lagu xasuuqay Gobolka Hiiraan isla markaasna 500,000 oo qaxooti ah looga dilay Gobolka Hiiraan,waxaana ay sheegteen in la xasuuqay balse may cadeyn Meesha laga keenay oo ay ka yimaadeen iyo inay Soomaali ahayeen iyo in kale.

Beesha Ogadeen oo kaashanaysa Gumeystaha Haysta ee Maalin kasta Dhibaatada ku haya Shacabka Gumeysiga hoos fadhiya Gaarisa ayaa dalka Soomaaliya ku soo duulay iyagoo aan hal tuulo oo la sheegi karro ku lahayn Gobollada Soomaaliyeed marka laga reebo Degmada Afmadow oo Xukumadii Siyaad Bare ay Dejisay dadka ka soo Cararay Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Guubaay.

Qaxootigan Laga soo barakiciyey Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Guubaay,waxay hadda Aamisan yihiin inay Soomaali yihiin isla markaasna ay dhulka Soomaaliyeed iyagu leeyihiin,Caqli wanaagsan oo saxa ma jiro isla markaasna ku haga wadada wanaagsan isla markaasna u sheegay inay qaxooti wali yihiin isla markaasna ay duulaan ku yihiin dhul aysan lahayn isla markaasna aysan xoog ku haysan karin.

Intii Burburkii Soomaaliya Qaxootigan Beesha Ogadeen ee ku sugan Gobollada Soomaaliya waxaa lagu iibsan jirey Lacag farro badan iyadoo laga iibsanayo dawlada deriska ah isla markaasna loo aqoonsanaa inay dhibaato ku yihiin geeska Afrika, Xeryo qaxooti oo ku yaala Magaalooyinka Hargeysa,Bosaaso & Garoowe ayaa laga daabuli jiray isla markaasna iyagoo gacmaha ka xirxiran la iib-geyn jirey.

Waxaa Xaqiiqo ah oo Markhaati ma doon ah in Qaxootiga Beesha Ogadeen ee ku sugan goboladda Jubooyinka dhawaan suuqooda Iibku furmi doono ama ay jeexi doonaan xadka kala qaybiya Kiiniya Iyo Soomaaliya,waxaana xaqiiqa ah inaan looga hari doonin dhib kasta oo ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya Ciidamada Kiiniya ee waqtigoodu gabaabsiga yahay.

Ugu dambeyntii Akhriste ma is tiri in Qaxootiga Beesha Ogadeen ee dhulkiisa ka jecel Xero qaxooti ama Meel Caano Boore laga helo ay ku sii nagaan doonaan hadii ciidamada Kiiniya Awood ama si kale dalka kaga baxaan,Mase u maleyn inay meel kasta oo ay u cararaan looga daba hari doono. Waxan filayaa jawaabtu waa Maya,waayo Taariikhdu waa socotaa dalkana waxaa leh Soomaali,Waxaana u hari doonta Soomaali, Ninkii Qaxooti ahaa ee la gumeysan jirey halkiisi buu ku noqonayaa kii wax gumeysan jireyna waa gumeysanaa.

La Soco qaybta Labaad

By Xuseen Cabdulaahi Jaamac

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com