Itoobiya Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo & Degaano Kale Oo Badan Laguna Tuhmay Jabhadda ONLF

0

itoobiyaKismaayo(AGGM) Ciidamada Xooga dalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa Dawlada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay maalmaha soo socda la wareegi doonaan degaano badan oo ay gacanta ku hayaan falaagada Alshabaab iyo kooxo dawlada kiiniya dhawaan ka soo aruurisay Waqooyi beri dalka Kiiniya.

Dawlada itoobiya ayaa cadeysay mawqifkeeda ku aadan arrimaha jubooyinka iyo Gedo,waxaana dawlada Itoobiya sheegtey inaan laysku haleyn karin arrimaha ka socda gobolka Jubadda Hoose isla markaasna la aaminsan yahay in ciidamada dawlada kiiniya ay la socdaan maleeshiyaad ka tirsan Jabhadda ONLF  ee dawlada itoobiya ka soo horjeeda.

Xukumada Dawlada Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadeedu gaari doonaan degaanada Jilib,Jamaame, Afmadow,Dhooble,Baardheere & magaalada kismaayo halkaasi loo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Alshabab iyo Jabhadda ONLF kuwaasi oo nabad  u diidan geeska afrika.

Dawladda Itoobiya waxay sheegteyn in sida ugu dhaqsaha badan ciidamadeedu gudaha u gali doonaan Gobollada Jubooyinka isla markaasna ay xaqiijin doonaan  amaanka degaanadaasi oo ay ka jirto dhibaato xoogan oo dadka shacabka ah  lagu hayo kuwaasi oo hantidoodu ay dhaceen Jabhadda ONLF isla markaasna la baxday Magaca Raaskambooni oo ka soo askumay Falaagada Alshabaab.

Xukumadda Itoobiya ayaa walaac xoogan ka qabta dawlada Kiiniya oo hubeysanaysa Jabhadda ONLF ee magaca u bedalatey Raaskambooni,waxaana dawlada Itoobiya oo kaashanaysa ciidamada Xooga dalka Soomaaliya hadda ku wajahan yihiin degaanada Jubooyinka halkaasi oo ay doonayaan inay  sifeyaaan kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com