Dhagayso: Col. Sanbuur Oo Ka Warbixiyey Ciidamada Beesha Dhulbahante Ee Ku Soo Biiray Maanta.

0

ciidamadaKismaayo123-650x4331Kismaayo(AGGM) Iyadoo ay maanta Tuuladda Goobweyn ee Gobolka Jubadda Hoose ay gaareen ciidamo beeleedyo ka tirsanaa Kuwa Jabhadda Raaskambooni isla markaasna u dul qaadan waayey Dhaqan Xumadda ciidamada Jabhadda Raaskambooni iyo kuwa dawlada Kiiniya ayaa gaaray Tuuladda Goobwey oo fariisin u ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire.

Col Sanbuur Cabdi Faarax oo ka mid ah Saraakisha ciidamada dawladda ee ku sugan Tuuladda Goobweyn ayaa daboolka ka qaaday in ciidamo ka tirsan kuwa Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ku abtirsadda Beesha Dhulbahante ay ku soo biireen dhinacooda,waxaana uu sheegay inay u dul qaadan wayeen dhibaatada shacabka lagu hayo isla markaasna qaarka ka tirsan Saraakiishooda la dilay maalinimadii shalay.

Col Sanbuur waxaa uu daboolka ka qaaday in ciidamadaasi ay soo dhaweyn wanaagsan u sameeyeen isla markaasna ay farisiin ciidan oo wanaagsan dejiyeen ay hadda diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan dagaalka dib loogu xoreynayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolkada Jubadda Hoose oo gacanta ugu jirta dad ka soo duulay kilinka 5-aad iyo Gaarisa.

Col Sanbuur waxaa uu shaaciyey in ciidamadan ay yihiin walalahood isla markaasna markii hore ka mid ahayeen ciidamadoo xoogga dalka ee lagu soo tababaray Wadanka Kiiniya,waxaana uu sheegay in markii dagaaladu ka dhacayeen magaalada Kismaayo ay meel gaar ah degaanayeen isla markaasna aamisanayeen in rayi kale balse hadda ay aaminsan yihiin in dhulka lagu soo duulay isla markaasna uu cadaw gacanta ugu jiro.

Ugu dambeyntii Sarkaalkan ayaa shaaciyey in ciidamadaasi  hadda diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan xoreynta Gobollada jubooyinka oo lagu wado inay dhawaan bilaabato qorshaheedu,waxaana u shaaciyey in ciidamada xooga dalka ay hadda ka mid yihiin isla markaasna ay doonayaan inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo si looga saaro Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamada Kiiniya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Col-Sanbuur-Cabdi-Faarax.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com