Dowladda Sudan oo Sanadkan kordhinaysa deeqihii waxbarasho ee ugu deeqi jirtay Dowladda Soomaaliya ”SAWIRO”

0

DSC05054Muqdisho(AGGM) Kordhintan deeqaha waxbarasho ee Sudan laga heli jiray  ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii uu kulan la qaatay Wafdi uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Tacliinta Sare ee Dowladda Sudan oo ay Xalay kulmeen iyo Wakiilka Wasaaradaas Tacliinta Sare ee Sudan oo maanta Wafdiga uu soo Booqday.

Kulan oo Maanta kula Qaatay Wasiiru dowlahha Arrimaha Dibadda Maxamed Nuur Gacal Wakiilka Wasaaradda Tacliinti Sare ee Dowladda Sudan kaasoo ka dhacayay Xarunta Wasaaraddaas  ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Sudan loo sii kordhin lahaa deeqaha Waxbarasho  iyo Xariir toos ahna oo ay yeelan lahaayeen Wasarahada Waxbarashada ee Soomaaliya iyo Sudan.

Kulankan oo ay Goob joog ka ahaayeen Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/lahi Ugaas faarax iyo Lataliyaha Safaradda Dhanka Waxbarashada C/qaadir Maxamuud Cali Guulane ayaa Inta Badan laysku afgartay waxii laga wada hadlay.

Wasiiru Dowlahha Arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur gacal ayaa  sheegay in Sudan ay Sanadkan ogalaatay in lasii kordhiyo deeqaha waxbarasho laguna daro Heerarka Master-ka P.H.D, iyo Tababaro Si Practical  ah.

Iyadoo Sanadkan lagu Wado in deeqaha Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Siin jirtay Dowladda Sudan ay isugu Jiri Doonaan Kuwo Taqasuso aad u muhiim ah sida oo Cilmiga ah Soomaaliyana aad ugu baahantahay Sanadkan.

Ugu Dambeyntii dowladda Sudan ayaa Sanad walba Siisa Soomaaliya Deeqo waxbarasho oo Boqolaal gaaraya hadii Hirgalinta Hadalkana uu dhaba galo waxa ay kor u qaadi doontaa heerka Waxbarasho ee Soomaaliyeed.

DSC05040DSC05041DSC05042DSC05043DSC05044DSC05047DSC05050DSC05050DSC05053 DSC05054DSC05056DSC05057DSC05058