Gudoomiye Ku Xigeen Maxkamadda Baladweyne Oo Xalay La Dilay

0

baladweyne2Baladweyne(AGGM) Gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xalay si bareer ah loogu toogtey gudoomiye ku xigeenkii Maxkamadda  Magaalada Baladweyne,waxaana la sheegay in la toogtey xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaala Magaalada Baladweyne.

Marxuumkan la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Macalin Xasan Cilmi Ciyow,waxaana uu ahaa masuul sare oo ka tirsana Maxkamadda Magaalada Baladweyne,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa ka dambeyeen kooxo hubeysan kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ahayeen Alshabaab.

Markii dilkaasi dhacay waxaa goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dawlada federaalka ah ee soomaaliya kuwaasi oo baaritaano dheeri ah ka sameeyey halkaasi,waxaana la sheegayaa inay ku guul dareysteen inay gacanta ku soo dhigaan ciddii ka dambeysay dilkaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ciidamada sirdoonka dawlada federaalka ah ay baaritano kale ka wadaan meeshi dilku ka dhacay isla markaasna ay tuhunsan yihiin inay dilkaasi fuliyeen kooxda Alshabaab oo dilal iyo dhibaato ku haya shacabka gobolka Hiraan,waxaana saraakisha ciidamada sirdoonku sheegeen inay soo qaban doonaan cidii dilkaasi ku dambeysay.

Ugu dambeyntii waxaa maalmahan amaankeedu wacnaa Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay ka hawlgalayeen ciidamada booliska soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa booliska ciidamada Amisom,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi saaka wadan arrimo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Baladweyne.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com