Daawo: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Canaan Kulul Dhegaha Kaga Dhuftey Saraakisha Ciidamada Xoogga Dalka

0

madaxweynaha20Muqdisho(AGGM) Ka dib markii cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdiso iyo degaanada ka kale ee ku dhaw dhaw ay soo badatay,waxaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ka hadlay dhibaatada loo geystey dadka shacabka ah isla markaasna lagu eedeeyo ciidamada dawlada,waxaana uu Madaxweynuhu digniin kulul u jeediyey Saraakisha ciidamadaasi hogaamisa.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si kulul ula hadlay Saraakisha ciidamada mar uu shalay booqday Xarunta Villa Baydhabo ayaa shaaciyey in Sarkaalka ciidamadiisu dadka dhibaan isla markaasna talaabo ka qaadi waaya askariga uu Maamul uu kasban doono in isagana la ciqaabo isla markaasna isku si loola dhaqmi doono askariga dambiga galay iyo sarkaalka maamula.

Hadii talaabadaas dawladu qaato ayaa la dhihi karaa ma dhici doonaan dhibaatooyinka ciidamada dawlada federaalku ka geystaan degaanada ay ku sugan yihiin,waxaana talaabadan hadii ay suuro gasho noqoneysaa mid ciidamada xooga dalka ku hagta wadada asluubta iyo anshax wanaagii lagu yaqaanay ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed.