War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Hadda Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

0

qarax-miino1Kismaayo(AGGM) Qarax aad u xoogan oo dhawaaqiisa laga wada maqlayey gudaha Magaalada Kismaayo ayaa hadda ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay mareeyeen kolonyo ciidamada Amisom ah gaar ahaan kuwa ka socda wadanka Kiiniya,waxaana la sheegay in qaraxaasi haleelay gaari ay wateen ciidamadaasi.

Qaraxan ayaa ahaa nooca dhulka la geliyo,waxaana la beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Kiiniya ee nabad ilaalinta u jooga wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo,waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tiradda dhabta ah la ogeyn.

Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa bartilmaameed u noqday weeraro qaraxyo ah kuwaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn cidda fulineysa,waxaana la sheegaya in qaraxi dhawaan ka dhacay kismaayo loo xirixiray in ka badan 4 ruux oo ah askarta ciidamada Raaskambooni kuwaasi oo su,aalo lagu waydiinayo saldhiga Amisom ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha.

Ugu dambeyntii lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi inkastoo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac laakiin sida lagu xaqiijiyo ayaa adag waayo,waxaa wadooyinka halkaasi gala xirey ciidamada Amisom kyo kuwa Jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com