Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirul Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda oo Gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan ”SAWIRO”

0

DSC04802Muqdisho(AGGM) Wafdigan oo Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur Gacal iyo Laba Xubnood oo ka Socda Wasaarada Adeega Bulshada ayaa Waxa ay Habeenkii xalay ahayd ay Soo gaareen Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan.

Wafdigan Wasiiru Dowlaha la Socday ayaa waxay kala yihiin Ismaaciil yuusuf Cusmaan Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaarada  Adeega Bulshada iyo Daa’uud Maxamed Makaraa Agaasimaha Waaxda Daladaha iyo Waxbarashada Gaarka Ah.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Si diiran ugu Soo u dhaweeyay Howlwadeenada Safaradda oo uu Horkacayo Safiirka Safaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane: Maxamed C/laahi Ugaas Faarax, Lataliyaha Koowaad ee Safarada Ibraahin Guure Maxamed.

Sidoo kale Soo dhawaynta Wafdiga Wasiirka waxa ka qayb qaatay  Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane C/qaadir Taranbi, Xunbo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ka socday iyo Qaybaha kala Duwan ee Soomaalida Sudan.

Safiirka Safarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahu Ugaas ayaa ugu Hirayna Tilmaamay in aad ugu faraxsan yahay in Wasiir Gacal uu Sudan kusoo Booqdo.

Danjire Maxamed C/laahi ayaa u sheegay Wasiiru Dowlaha in ay jiraan wax yaabo badan oo Ardayda aad ugu baahi qabaan loona Baahan yahay in Si deg Deg ah wax looga qabto,  Dowladda Sudana  lagala Hadlo arrimahaas.

Dhankiisa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr: Maxamed Nuur Gacal ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Socodkiisa Sudan uu ku yimid ay Dhowr Qaybood isugu Jiraan.

Wasiir Dr: Gacal ayaa sheegay in Socodkiisa ay ugu Wayntahay Hambalyo uu ka Wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uuna u wado Madaxweynaha Dowladda Sudan Cumar Xasan Axmed Al-bashiir Midaas uu ku saabsan Munaasabadda Bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in uu Doonayo in uu u kuurgalo Xaaladda Jaaliyadda,  Ardayda iyo Safaradda  Ay ku sugan yihiin si Dowladda Soomaaliya ay uga warqabto.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in Sudan sidoo kale u yimaadeen sidii loo xoogin lahaa isla Mar ahaantaana loola Socon laha deeqihii Waxbarasho ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Sudan ka heli Jirtay.

Wasiirka ayaa Hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Adeega Bulshada ay usoo wakiilatay la socoshada Deeqihii waxbarasho midaas oo loo baahan yahay in ilaa heer Wasiir loola Socdo.

Wafdiga Wasiiru Dowlaha  uu Hogaaminayo ayaa Sudan ku Sugnaan doono Muddo todobaad ah insha allaah.

DSC04793DSC04796DSC04799DSC04802DSC04805DSC04809DSC04811DSC04823DSC04819DSC04832