Qarixii Kismaayo Oo La Sheegayo Inuu Khasaare Dad Shacab Ah Ka soo Gaarey (Sawiro)

0

1410Kismaayo(AGGM)  Qarixii Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo gaar ahaan nawaaxiga isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa la sheegaya inuu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo sababay,waxaana la xaqiijinayaa inay afar ruux oo shacab ahi ku dhinteen isla markaasna ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaasi oo mareyey wado muhiim ah oo ku taala xaafada Calanley gaar ahaan wadada gasha isbitaalka Laascaanood,waxaana wararku sheegayaan inay ku dhinteen 4 ruux oo labo ka mid ahi ahayeen haweenka & laba ruuxo oo kale.

Haweenkan dhintey ayaa mid magaceeda lagu sheegay Amina Abdi isla markaasna ka mid ahayd dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo isla markaasna meheradda yar yar ku leh magaalada Kismaayo iyadoo haweeneyda kale magaceeda lagu sheegay Saynab Saalax.

Sidoo kale qaraxan ayaa lagu sheegay inay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale kuwaasi oo dhamaantood shacab ah,waxaana dhaawacooda lagu daawaynayaa isbitaalka ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Kismaayo halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo,waxaana wararku sheegayaan inay qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen qaar ka tirsan ciidamada Amisom ee halkaasi mareyey.

Ugu dambeyntii ma jiraan cid xaqiijin karta khasaaraha qaraxaasi ka soo gaadhay Ciidamada Amisom,waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi ahaaa nooca dhulka la geliyo iyadoo la sheegayo inuu qaraxaasi ahaa mid culus isla markaasna jugtiisa laga wada maqlayey guud ahaan Magaalada Kismaayo.

13103010681032442314101113518149271