Maqaal: Isbatoore Fartaag Baratey Ma Taqaan Taariikhda Col Cabdinuur Maxamed Ananaati ?

0

maqaal1Kismaayo(AGGM) Gashaanle Cabdinuur Maxamed Ananaati waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaan ciidamadii dawladii dhexe ee Soomaaliya,waxana burburkii ku sugnaa Gobolka Gedo gaar ahaan degmooyinka Doolow & Garbahaaray,waxaana intii burburka ka dib noqday nin marmar badan xanuuno dhinaca maskaxda ahi la soo darseen isla markaasna dhawrkii sanona mar xanuunadaasi ku soo kici jireen.

Col Cabdinuur Maxamed Ananaati waxa uu ahaan jirey nin ragganimo leh markii dawladii dhexe ee Soomaliya jirtey isla markaasna Masuul ah oo marxalad kasta ka gudbi jirey balse intii burburku ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa uu ku sugnaa Gobolka Gedo,waxaana waqtiyo badan la soo darsay xanuuno badan oo dhinac maskaxda kuwaasi oo marar badan kalifay inuu aqoonsan waayo cid kasta oo uu yaqaanay.

Col Ananaati sanadihii ugu ugu dambeyey ilaahay waa u caafiyey isla markaasna waxaa noqday mid ay xasuustiisi dib ugu soo laabato isla markaasna la moodo inuu caadi soo noqday,waxaana uu shaqo ka halay Kastamka laga cashuuro gaadiidka u kala goosha Dhinaca Gedo iyo Degaanada Itoobiya,waxaana uu ahaa tiriyaha lacagaha canshuurta ah ee laga qaado gaadiidka u kala gooshaya gobollada Soomaaliya Iyo Itoobiya ee Doolow soo mara.

Col Cabdinuur Maxamed Ananaati isagoo sidii u shaqeynay shaqadiisana ku guda jira ayaa la sheegay in mar kale xanuunka dhinaca maskaxdu la soo darsay,waxaana la sheegay inuu xanuunkaasi  Qaadka oo si xun looga cuno degmada Doolow ee gudaha Itoobiya halkaasi oo ka soo gallo,waxaana la sheegay in Col Cabdinuur Maxamed Ananaati loo soo qaaday dhinaca Garbahaaray ee gobolka Gedo.

Col Cabdinuur isagoo xilligaasi xaaladiisa caafimaad soo raysay kuna sugan Magaalada Garbaaharay ayaa la dilay Alle ha naxariistee Bashiir Cabdulaahi Diiriye oo ahaa Masuul ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Ee Degmada Doolow,waxaana laga wareystay Col Cabdinuur Maxamed Ananaati dilka loo geystey Masuulkaasi, Xilligaasi Xaaladda Col Ananaati ee dhinaca maskaxda maahayn mid sii buuxda u caafimaaday balse xanuunku waa ka soo yaraanayey.

Col Ananaati isagoo ka hadlaya dilka Marxuumkaasi loo geystey ayuu eedda Dusha uga tuurey  Masuuliyiin ka tirsan Maamulka dawlada ee gobolka Gedo,waxaana uu dacmay inuu iska hor keeno laba beelood oo walalo ah kuwaasi oo wada dhashay isla markaasna isku abtirsada,waxaana arrintaasi ka hortagay waxgaradka Labada beelood ee walalaha ah oo xaaladaasi qaboojiyey.

Markaas uu Col Ananaati hadlayo waxaa la sheegay inuu la joogay Isbatoore Fartaag isla markaasna uu telefoonka u dhiibay isla markaasna u wacay warbaahinta gudaha Soomaaliya isla Markaasna uu ka dhaadhiciyey Col Anaanaati inuu sidaasu u hadlo si labada beelood layskaga hor keeno,balse arrintaasi markii ay soo baxday waxaa u guntaday Waxgaradka Laba Beelood ee walaala ah.

Dhinaca kale Col Cabdinuur Maxamed Ananaati oo xalay saxafada Qaarkeed wareysi siiyey ayaa ka hadlay warbaahinta waxaana uu eedeyn u jeediyey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire. Sidaas ay tahay Col Cabdinuur Maxamed Ananaati waa nin si weyn loo wada yaqaano isla markaasna xaaladiisa caafimaad ee xilligan ay la wada socoto cidkasta oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Isbatoore Fartaag iyo Col Cabdinuur Maxamed Anaanati waa laba nin oo ilma adeer ah isla markaasna marka lays barbar dhigo waxaa ragganimo iyo caqli badan Col Cabdinuur Maxamed Anaanaati balse Isbatoore Fartaag ayaa ka faaideysta waqtiga aan xaalada Col Ananaati ahayn mid degan,waxaana uu u wacaa saxafadda isla markaasna telefoonka ugu dhiibaa,waxaana Col Cabdinuur Maxamed Ananaati uu noqdaa nin aan hadalkisia kantarooli karin isla markaasna hadallo is dhaf ah ku hadla maadama aan xaaladiisu ahayn mid xasiiloon.

Isbatoore Fartaag mahan nin xishooda waxaana uu ahaa kormeeraha Xamaaliinita Degmada Doolow ee marka lacagaha Xamaalka u qaybiya xamaaliinta rarka ka dejiya gaadiidka u kala goosha goboladda koofurta soomaaliya iyo itoobiya isla markaasna qaada Baradhada iyo Basasha.Waxaana uu Isbatoore Fartaag ku caan baxay ceebeynta iyo aflagaadeynta Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo bulshadda inteeda kale.

Ugu dambeyntii waxaan halkan idinku soo bandhigi doonaa Wareysiyo hore oo laga qaaday Col Cabdinuur Maxamed Anaanati isagoo aan xaaladiisa caafimaad ahayn mid xasiloon isla markaasna oo u ka hoos hadlayo Isbatoore Fartaag oo hadaladda u yeeriinya isla markaasna leh sidaas dheh. Col Cabdinuur Maxamed Ananaati ilaahay caafimaad ha siiyo balse waxaan rajeyneynaa inuu mar uun maxkamad hor keeni doono dadka ka faaiideysana xilliga aan xaaladiisa caafimaad xasilooneyn.

Guhaad Faarax Yoonis

Beledxaawo,Gobolka Gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com