Madaxweyne Geele Oo Ka Qayb Galay Munaasabad Qalin Jabin Ah

0

ismaaciil-cumar-geeleMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka qeybgalay Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey 1500 Arday oo ka qalin jebiyay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Jabuuti.

Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka Jaamacada Jabuuti ayaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle,  R/wasaaraha C/qaadir Maxamed Kaamil, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo xubno ka tirsan Labada gole ee dalkaasi, waxaana sidoo kale xafladaasi ka qeybgalay waalidiin iyo ardaydii qalinjebineysay.

Madaxweynaha Jamhuriyada Jabuuti ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay qaar ka mid ah macalimiinta Jaamacadda Jabuuti,  isagoo shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jebisay Jaamacadda Jabuuti.

Qaar ka mid ah ardaydii ka qalinjebisay jaamacadaasi ee xaflada loo qabtay oo la hadlay radio Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney maanta arkaan natiijada dadaalkii ay muddada dheer uso galeen waxbarashada, iyagoo balan qaaday in aqoontooda ay ku horumarindoonaan dadkooda.

Dufcaddan cusub ee ka qalinjebisay Jaamacadda Jabuuti oo gaareysa ilaa 1500 arday ayaa loo arkaa iney gacan ka geysan karaan horumarinta aqoonta iyo dhaqaalaha dalka Jabuuti.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com