Madaxweynaha Oo Kula Dardaarmay Saraakiisha Ciidamada Sugida Amniga(Sawiro)

0

madaxweyne-xasan2Muqdisho (AGGM): Kadib kulan qaaday wax ka badan hal saac oo ku dhaxmaray taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ee Villa Baydhabo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo saraakiisha ciidamada militariga ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay saraakiisha in ay ka xoogga saaraan sugida amniga dalka, gaar ahaan deegaannada ay dowladda maamusho.

Kulanka  oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxaa uu si qota dheer uga hadllay madaxweyne Xassan Sheekh ahmiyada ay dowladda siineyso sugida amniga iyo waliba sida ay ciidamada militarigu arintaa muhiim ugu yihiin.

Waxaa uu soo hadal qaaday cunaqabeynta hubka laga qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay mid tijaabo ah oo Soomaaliya lagu eegayo mudo ku dhaqan hal sano” “Soomaaliya hal sano ayaa lagu tijaabiyay habka ay u isticmaalayso hubka, haddii lagu fashilmo sannadkan isticmaalka hubkana waxaa imaanaysa inaan dib dambe loo aaminin Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo hadal u jeediyay saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Sidaa daraadeed waxaa uu madaxweynuhu weydiistay saraakiisha ciidamada in aan marnaba loo baahneyn in hubku uu ka baxo gacanta ciidamada, wuxuuna intaas ku daray in la sameeyay sharci cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee dalka, isla markaana aan loo dul-qaadan doonin wixii hadda ka dambeeyay in isbaaro la dhigto, in hubka lala dhexmaro magaalada iyo in shacabka dhibaatooyin loo geysto.

Waxaa uu mar kale ku celiyay in askariga ka tirsan dowladda Soomaaliya ee danbi lagu hello sida uu hadalka u dhigay aan la ciqaabi doonin isaga oo kaliya laakiin ciqaabtaas sidoo kale uu mari doono taliyihiisa.

Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday musuqmaasuqa saadka ciidamada iyo mushaaradkooda, isgaoo sheegay in wax lagu tilmaamo aan la garanayn in sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga uu musuqmaasuqo mushaaraadkii ama saadkii ciidamada loogu talogalay.

“Waa wax aan loo dulqaadan karin in ciidamada dowladda ee ku sugan meelo fog-fog oo looga horjeedo cadowga in aanu gaarin raashinkii loogu talogalay,” ayuu madaxweynuhu ku yiri saraakiishii uu la kulmay oo uu si adag ula hadlay maanta.

Kulanka uu la qaatay madaxweynaha saraakiisha ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyay ay meesha ka baxeen weeraradii ka dhan-ka ahaa kooxda Al-shabaab.

IMG_7147IMG_7152IMG_7158IMG_7158 IMG_7167IMG_7178IMG_7179IMG_7182IMG_7184IMG_7185IMG_7190IMG_7205IMG_7209IMG_7211IMG_7227IMG_7235IMG_7243