Alshabaab Iyo Jabhadda Raaskambooni Oo Xalay Dagaalamay,Maxaa Dhacay Ka Dib?

0

Ciidamada-dowladaKismaayo(AGGM) Ciidamada Falaagada Alshabaab waxay xalay weerar culus ku qaadeen fariisimo Jabhadda kale ee Raaskambooni ku lahayeen duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan nawaaxiga Jaamacadda,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamadda Falaagada Alshabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi soo qaadeen isla markaasna ay xoog kula wareegeen farisiinkii ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee duleedka Jaamacadda Kismaayo,waxaana la sheegay inay halkaasi ku sugnayeen muddo kooban iyagoo gacanta ku dhigey hub ay lahayeen Jabhadda Raaskambooni.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay u soo yaaceen dhinaca Magaalada Kismaayo isla markaasna sheegeen in Alshabaab soo weerartay ayna la wareegtey farisiinkii ay ku lahayeen duleedka Jaamacadda,waxaana la sheegay inay arriintaasi ku wargeliyeen ciidamada Siraliyoon ee halkaasi ku sugan,waxaana la sheegay in ciidamada Siraliyoon ku amreen inay dib ugu laabteen fariisimihii laga soo bursaday.

Ciidamadii Raaskambooni ayaa la sheegay inaysan dib ugu laaban halkaasi isla markaasna ay gudaha u soo galeen gudaha magaalada Kismaayo halkaasi oo la sheegay inay keeneen dhawr askari oo dhaawac ah kuwaasi oo hadda lagu daawaynayo isbitaalka ciidamada Amisome ee garoonka diyaaradaha.

Falaagada Alshabaab ayaa la sheegaya inay halkaasi ku qabsadeen hub fudud oo ay lahayeen Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay inay markii ay mudo kooban halkaasi ku sugnayeen ay dib uga laabteen degaanadii ay dulaanka ka soo qaadeen. Waxaana wararku intaasi ku darayaan ciidamada Amisom jabhadda Raaskambooni ku amreen inay weeraro kaligood ah ku qaadan fariisimaha Alshabaab ee duleedka Kismaayo.

Ugu dambeynti waxaa muuqata in ciidamada Amisom Jabhadda Raaskambooni shaki weyn ka qabaan isla markaasna aysan awood u lahayn inay iska caabiyaan Faalagada Alshabaab,waxaana Ciidamada Amisom dhawr jeer ku celceliyeen inay Jabhadda Raaskambooni weeraraan duleedada Kismaayo ee shabaabku ku sugan yihiin iyadoo arrintaasi ay ka biyo diideen Jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com