Xukumadda Itoobiya Oo Ka Hadashay Ka Bixitaankeeda Magaalada Baydhabo.

0

Dina-muftiAddis Ababa(AGGM) Xukumadda Itoobiya oo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ka caawisa la dagaalanka Argagixisada ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamadeeda ka baxay Magaalada Baydhabo,waxaana Masuul u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha dawlada itoobiya shaaciyey inay ciidamadoodu ka baxeen Baydhabo balse aysan ka wada bixin dalka Soomaaliya.

Masuulkan oo lagu magacaabo Dina Mufti ayaa shaaciyey inay ciidamadoodu sii wadayaan la dagaalanka ay kula jiraan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab,waxaana uu sheegey in ciidamadooda ka soo baxay Magaalada Baydhabo halkaasi ku wareejiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada soomaaliya iyo Amisom.

Mudane Dina Mufti waxaa uu shaaciyey in ciidamadoodu dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ka tageerayeen la dagaalanka Alshabaab,waxaana uu sheegey inay Baydhabo uga baxeen in ciidamada dawlada soomaliya iyo kuwa Amisom ay halkaasi maamulaan isla markaasna amaanka xaqiijiyaan.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in qorshaha ay uga baxeen Baydhabo uu ahaa mid horay u soo jiray, isla markaana hadafkooda ahaa inay magaalada ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya iyo Amisom,waxaana uu sheegey inay hawgalladda Alshabaab lagula dagaalamayo sii wadayaan isla markaasna ay ugu tagayaan degaanada ay maamulaan.

Waxaana uu yiri ”Waxaa jiray qorshe ah in Itoobiya sanadkan ay soo afjarto howlgalkeedi Soomaaliya. taasi oo saldhig u ah in aanu jirin quwad military oo shabaab ay dad ku soo weerari karto, ayadoo la xaqiijinayo isbedel iyo horumar laga gaaray la dagaalanka Alshabaab”.

Ugu dambeyntii Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Baydhabo ayaa la sheegay inay saldhigteen duleedka Bardaale iyo deegaan isku xira Gedo, Bakool iyo Bay, halkaasoo laga yaabo inay duulaan ka qaadaan. Waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay iyaga iyo kuwa Dawlada Soomaaliya la wareegaan degmooyinak Baardheere iyo Buurdhuubo oo Alshabab Maamulaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com