War Deg Deg Ah: Caawa Oo Gudaha Magaalada Kismaayo Warqado Lagu Daadiyay, Maxaase Ku Qornaa Warqadahaas?

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in caawa gudaha magaalada Kismaayo Warqado lagu daadiyay ay ku qornaayee in aan maalaga lagu arki karin qof sheegta Beesha Sade oo ay isaga baxaan magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in aan la garaneeyn ilaa hadda cida daadisay warqadahaas lagu dhex arkayay guud ahaan magaalada Kismaayo.

Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa isna waxa uu ka hadlay idaacada Radio Kismayao waxa uuna sheegay inaysan iyagu wax shuqul ah ku laheeyn warqadahaas lagu daadiyay magaalada islamarkaana cidii daadisay ay tahay qaswadayaal doonaya in colaad aan dhamaan in magaalada ay ka dhacdo.

Dhinaca kale horjoogayaasha maleeshiyo beeledka Raaskambooni ayaa maanta golaha guuritida beedsha Sade ee waamo intoodi ku hartay gudaha magaalada Kismaayo iyo todoba haween ah oo ganacsato ah ayaa waxa ay u qabteen inay mudo 24 saac gudahood ah uga baxaan magaalada Kismaayo, taa oo iyana muujinaysa warkan kasoo yeeray caawa afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn oo ay warqadaha caawa lagu daadiyay gudaha magaaladana ay iyagu ku daadiyeen magaalada.

Sidoo kale odoyaasha dhaqanka beelaha kale ee Soomalaiyeed ee daga magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa sidaa iyo si ka xun loola dhaqmay kadibna waxa ay isaga hayaameen magaalada Kismaayo, taasina waxa y ku tusinaysaa in barakicin ana loo aabo yeelin ay ka socoto magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa magaalada Kismaayo maalmihi lasoo dhaafay dil, dhac iyo kufsi lagu hayay dhamaan dadka deegaanka u ah magaalada Kismaayo warqadahan caawa lagu daadshay magaalaadana waxba kama ay duwana durbaanka colaadeed ee ay waayahan garaacanayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo hadda sida muuqata godki ay ku dhici lahaayeen isku sii dheereeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com