Maqaal: Taageerayaashi Maxakamadaha Islaamiga, Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab Oo U Xuubsiibtay Taageerayaasha Jubbaland.

0

MaqaalAkhristoow marka aad cinwaanka akhriso waad la yaabaysaa oo waxaad is oranaysaa qoraagu seebuu wax ku wadaa balse waa xaqiiqda dhabta ah iyo shaarka cusub ee ay taageerayaashi Al Shabaab ee ku sugnaa wadamada Yurub iyo North America waqtigan xaadirka ah inoo gashteen.

Xaqiiqdu waxa ay tahay in uu dagaalka Kismaayo uu salka ku hayo amaba faragalin qaawan ay ku hayaan quwado shisheeye iyo dano siyaasadeed, taa oo aysan ka marneen danaha Al Shabaab.

Sida aad la wada socotaan Axmed Maxamed Islaan waxa uu ka mid ahaa Al Shabaab waxa kaliya oo ay Al Shabaab iyo Axmed Madoobe ku kala tageen waa aan anigu maamulo Dekeda magaalada Kismaayo ee kuma aysan kala tagin caqiidadoodi Wahaabiyada oo weli Axmed Madoobe waa Wahaabi, taa oo ay usii dheer tahay isaga oo xarun uga sameeyey Xasan Turki deegaanka Raaskambooni oo ah magaca ay sitaan maleeshiyada uu horjoogaha u yahay.

Hadaan faahfaahiyo oo aan qeexo waa imisa nooc taageerayaasha Jubbalanad?

80% waa taageerayaashi Maxkamadahan Islaamiga, Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ee ku sugnaa dalka dibaddiisaba Reerkeey doonaan haka soo jeedaan’e.

18% Waa reer Puntland oo dan leh iyo dad qaab qabiil lagu soo kiciyay.

2% waa dad aanba ogeeyn waxa ay taageerayaan.

80% waa taageerayaashi Al Shabaab ee ku sugnaa dalka dibaddiisaba waxa ayna hoosta ka xariiqeen go’aan buuxana ku qaateen in magaalada Kismaayo marnaba aysan ka bixin gacanta Wahaabiyada si walba oo ay ku suurtoobaysana ay sameeyaan in uu qofka hogaaminaya Jubbaland uu noqdo qof fikirka iyo caqiidadiisuba tahay Wahaabi.

Taageerayaasha ayaa waxay kaloo isku raaceen in ay yeeshaan rag gacan saar la leh dowladdaha shisheeye ee ku baratamaya qeeyraadka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, si aan iyaga meesha looga saarin, waxaana jira dadaalo ay ugu aruurinayaan dhaqaalo lagu taageerayo Axmed Madoobe si uusan marnaba meesha uga bixin maadaama uu hadda yahay shaqsiga kaliya ee gacansaarka la leh dowladaha shisheeye ee ku baratamaya qeeyraadka gobolkaas.Arinku Waa Dahabshiil U Dhiibo, Dahabshiilna Ka Qaado.

18% waxa ay u badan yihiin dad kasoo jeeda deegaanada Puntland oo iyagu dantoodu tahay in ay kala dilaan dadka oodwadaaga ah ee gobolada Jubbooyinka, arrinkooduna waa qawda maqashii waxna ha u qaban oo sida muuqatana hadda waa ay ku guuleeysteen danta ay lahaayeen kadib marki maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku dhacen dabinki lalla doonayay.

Maleeshiyada Raaskambooni waxa ay tacadiyo baahsan oo kala duwan ka geeysteen gudaha magaalada Kismaayo iyaga oo aan cidna u aabo yeelin Soomaali reerkay doonaan ha noqdaan’e, taasina waxa ay ku tusi kartaa dabinka reer Puntland ay uga tilaabsadeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, halka dadka kasoo jeeda asal ahaan reer Puntland ee ku sugan magaalada Kismaayo ay dadka ulla dhaqmeen si wanaagsan, arrinku soo ma,ahan Kismaayooy Nimaan Ku Aqoon Baa Dadkaaga Si Xun Ulla Dhaqma?

Dadka qaabka qabiil lagu soo kiciyay iyagu waxbadan oo ay saamenayaan majirto, waxa ayna u baahan yihiin in la xoreeyo oo gurmad loo sameeyo si ay xoriyadooda uga qaataan QABIILKA.

2% waxa ay u badan yihiin dad aan wax aqrin, aqoon buuran iyo maskax celisa lahayn, aana garan karin waxi dhacay ama waxa soo socda.

Dadka yar ee aan fahansaneen waxa socda iyo qaabka ay wax u socdeen ee iyaguna ku dhacay dabinki lala doonayay hadaan inyar u sharxo bal eega hareerihiina waayo ninka ku garab fadhiya ee taageeraya Jubbaland, yuuse markiisi hore taageeri jiray?

Su’aalo Mudan Qof Walbaa In Uu Isweeydiiyo:

Sida aad la wada socotaanba qurbojoog badan ayaa ka qeeyb galeen shirar lagu taageerayo Jubbaland  shirarkaas taageerada ah magaalo walba eeg hareerahaaga maku jireen dadki sida wanaagsan loogu yaqaanay u ololeeynta Maxakamadihi Islaamiga iyo Xisbul Islaam?

Maku jireen dadki sida wanaagsan loogu yaqaanay taageerada iyo u ololeeynta fikradaha Wahaabiyada iyo dhaqaale u uruurinta falaagada Al Shabaab?

Haddaba hadii ay jawaabtaadu haa tahay waa iyagii, haddaba caqliga fiyoow maqaadanayaa in kooxahaas la wada yaqaano inta si Public ah shaarkoodi lagu yaqaanay mudada badan ay iska siibaan durbana ay xirtaan shaarka Jubbaland? taas ayaa qof walba u sahleeysa in uu fahmo waxa socda ee dhabta ah, waxaana aad u haboon qof walbaa inuu ka fiirsado inta uusan falin, aniga oo ulla jeeda Baroorta Orgiga Ka Wayn, Baroorta Jubbaland Ka Wayn.

Gabagabo Akhristoow Isku soo wada duuboo hadda ka hor ayaan waxaan dhagaystay AUN’E Careys Ciis Kaarshe waxa uuna yiri, Jidkii Ruxii Aan Aqoon, Ruuxi Laga Waayo Joog, Haduu Jeelka Isku Ridi, Usagaa Eebaheey Jirabee, Maxaa Ani Iigu Jira.

Fiiro Gaar Ah: Xafladihi Lagu Taageerayay Jubbaland, Sawiradi Iyo Video-yadiba Waxa Ay Galeen Keeydka Wadaniyiinta Xalaasha Ah.

Wabilaahi Towfiiq

C/laahi Guuleed Ciise
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com