Shaqaale U Dhashay Dalka Spain Oo Lagu Haystay Soomaaliya Oo La Siidaayey

0

shaqaaaleeMuqdisho(AGGM) War murtiyeed ay soo saartay hay’aada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa waxaa ay kaga hadashay sii deynta muwaadiniin u dhashay wadanka Spain,kuwaasi oo in mudo labo sano ah ku afduubnaa gudaha dalka Soomaaliya.

Labadan ruux oo ahaa shaqaale gargaar ayaa lagu kala magacaabaa montserat serra iyo balanka thiibaut waxaana mudo labo sano ka hor laga soo afduubay xerada qaxootiga ee dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya,iyagoo ka shaqeynayay arrimo la xiriir gargaarka bani,aadanimo.

Wakaalada wararka reuters oo soo xiganaysa ma’suuliyiinta hay,ada hadalkan soo saartay ayaa sheegeysa in shaqaalahaasi bishii actober 2011 loola soo dhaqaaqey Soomaaliya balse lama cadaynin sida ay ku suura gashay sii deyntooda,waxaana bayaanka sidoo kale lagu sheegey in ay kaga warbixin doonaan shir jaraa’id oo ka dhici doona magaalada Madrid ee dalka Spain.

Kooxo hubaysan ayaa shaqaalahan ka soo qafaasgahy xerada qaxootiga ee Ifo ee dalka Kenya waxaana ay shaqadoodo ahayd in dhanka farsamada ay ka taageeraan howlaha hay’adda MSF.

Saraakiil ka tirsan ciidamnada booliska ayaa horey u sheegey in ay ku tuhmayaan in ay falkan ka danbeeyeen maleeshiyaadka koxda shabaab,xiligaasi waxaa sidoo kale dhacay afduub loo gaystay labo muwaadin oo u kala dhashay Kenya iyo Biritan.

Xerada dhadhaab ayaa ah xerada ugu weyn ee dunida oo marti gelisa dad qoxooti ah,waxaana ku jira dad ka badan 450,000 o u badan soomaali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com