Qiso Naxdin Leh: Maxaad Ku Xukumi Lahayd Ninka Gabadh Soomaaliyeed Gafuurka U Qabtay Kenyati Kufsanaya?

0

tears1Fiiro Gaar Ah: Markaan arkay hamuunta dadka Soomaaliyeed qaarkood u qabaan Kenyaatiga ayaa waxaa ugu dhashay inaan idiin soo bandhigo qiso hadda ka hor igu qabsatay magaalada Gaarissa ee dalka Kenya, adoo raali ah isdeji qoraalkan cidna laguma durayo waa qiso dhab ah oo aan goobjoog u ahaa.

Waqtigu waa waqti xun oo ay dadki Somaaliyeed kala irdhoobeen, waxaa dalkayaga ka aloosnaa dagaalo Ahli ah, dadkuna waa wada qaxooti ka soo qaxay dilka baahsan ee ka socday dalkeena hooyo, sanadkuna waa 1992-dii.

Waxay ahayd goor habeen ah, saacaduna ku taagneed abaarihi 23:00 fiidnimo isu socodka dadkuna uu gabaabsi yahay, anagoo koox dhalinyaro ah oo gaareeyna afar ayaa waxaan ku caweenaynay daarada hore ee guri aanu kiro ugu jirnay oo ku yaal magaalada Gaarissa ee dalka Kenya, halmar uunbaa waxaan maqlan dhamaanteen qeeylo iyo oohin cod haween ah ayna leedahay amaba ku qeeylo dhaaminaysa TOL BEELAY YAA SOOMAALI AHEEY. ?

Inaga oo aad u naxnay markaas, maadaama aynaan sharci lahayn aanu ku joogno Dalka Kenya ayaan halmar is dhuganay inagoo indhahayaga ay ka muuqdaan murugo iyo caro, baa haddana waxaa xubin walba oo kamid ah jirkayagu diiday inaan sii fadhino maadaama codka aanu maqalnay uu ahaa gabar Soomaaliyeed oo leh TOL BEELAY YAA SOOMAALI AHEEY.

Waxaan ahayn afar nin oo dhalinyaro ah kana soo cararay colaada ka huraysa dalkoodi Hooyo martina ku ah dalka Kenya, waanu tashanay waxaana ku tashanay, Inaan baxno oo tagno goobta ay ka soo yeertay qeeylada gabadha Soomaaliyeed oo markaa qiyaas ahaan inoo jirtay wax ka yar 50 ilaa 30 Mitir, balse waxaan go’aansanay in ragu kala haro oo qaarkeen ay galaan waxii alle u qoray soona difaacaan gabadhaas Soomaaliyeed.

Waxaa baxa laba nin oo mid aan aniga hadda qoraalkana idiin qoraya ahaa saan u ordeeynay baan waxaan afka uga dhacnay waxaan ka baqeeynay oo ahayd Askarta Kenya, anaga oo ordeeyna baa waxaan bareeha ku dul qabanay gurigi a qeeylada kasoo yeeraysay oo ay ku dhex jiraan afar Askari oo Kenyati ah, hadde ninki soo maray uunbaa garan kara’e halmar baa aniga iyo saaxiibkey is dhuganay, mana ay jirto meel aan ku laabano oo waan dhex taaganahay.

Bini’aadamku markuu naxo waa ay kala duwan tahay shucuurtooda’e waxaan u milicsaday dhanki afarta Askari oo markaa labo taagan tahay oo ay qoryo ku hayaan 2 caruur ah iyo islaan waayeel ah, labana jilbaha dhulka u yaalaan indhahaygu waxay durbaba qabteen labada askari ee jilbaha dhulka u yaalaan inay u dhexeeyso qof haween ah, oo ay isku dayayaan inay xoogaan.

Waxaa sidoo kale idhahaygu qabteen labada askari ee jilbaha dhulka u yaalaan midka xiga dhanka madaxa gabadha Soomaaliyeed inuu xoog ku hayo labadiisa gacmood afka gabadha Soomaaliyeed, afsoomaalina ku leeyahay Naayaa Aamus halka kan Kenyatiga ahna uu leeyahay (Kufunga) oo ah kalmad aan waligeey hilmaamin.

Durbaba qeeylo ayaan afka furanay oo waxaan ku cararnay dhanki labadi taagneed ee qoryaha u heeysay askarta xoogaysa gabadha Soomaaliyeed waxaana kicinay buuq iyo sawaxan, waxaa meesha batay qeeyladi anagi baa qoryihi nalagu qabtay waxaana naloo bixiyay geesti ay taagnaayeen 2-da caruur iyo Islaanta waayeelka ah, waxaa sii batay buuqi iyo sawaxankeeni waxaana durbaba isku soo baxay dadki xaafada daganaa oo nooc walba leh hase u badnaadaan dad Soomaaliyeed oo marki horeba maqlayay qeeylada gabadha balse is dhajinayay oo waa saan is dhahay islahaa meesha ha ugu hormarina.

Dadkii marki ay isu soo baxeen arintuna alamtara soo dhaaftay baa gabadhi ay doonayeen inay xoogaan iyadina geesti aan taagneen loo soo tuuray oo nalagu wada qabtay qoryihi, Alxamdulilaah bana hoosta ka iri marba hadaanu fashilinay aniga iyo saaxiibkeey in gabadha la waxyeeleeyo, gabadhi baa waxaanu ku niri walaal wax miyaa ku gaaray maya ayay tiri waad iga soo gaarteen, mar labaad baan waxan hoosta uga xamdiyay Allaah Subxaanahu Watacaalaa.

Kadib waxaa dhacay in askarti uu indhaha ka galay nin Hotel ku dhawaa guriga daganaa oo laakiin ah reer Mandera mardambena ii sheegay inuu madax ka ahaa maxkamada Mandheera ayaa indhaha kaga dhacay kooxdi burcada ahayd balse ku labisneed direeska Booliska Kenya.

Waxaa go’aan lagu gaaray in la sii daayo gabadha labadeedi caruur iyo Islaanti waayeelka ahayd anagana naloo dhaadhciyio xabsiga maadaama aynaan lahayn wax sharci ah oo aanu ku joogno dalka Kenya.

Sadex maalmood kadib iyo gurmad farabadan  iyo lalauush la bixiyo waxaa suuragashay aniga iyo saaxiibkeey in xabsigi nalaga soo sii daayo oo aan dib u helno xoriyadeeni.

Waxaan aad iyo aad uga naxay badankiina aad la yaabi doontaan ninka gabar Soomaaliyeed gafuurka u qabanaya kenyati si uu u xoogo, toloow haduu Soomaaliya kaasi tago maxuu sameenaya?

21 sano kadib Waxa maanta igu qasbay inaan qisadan isoo martay idiinla qeeybsado wax kale ma ay aha Soomaaliyeey ee waxaan idiinku sheegayaa Kenya abaal nooma galin, ilaa hadda magaalo walba oo dalkeeda ah sidaas ayay ulla dhaqmaan dadka Soomaaliyeed inta ay ku filnaan waayeen kuwii gudaha dalkeeda jooga dhibtay ku heeysay ayay waxa ay doonaysaa maanta in ay gudaha Soomaaliya dhibtii oo kale ka geeysato.

Xaafada islii ninki tagay ayaa tagay 1992 iyo maanta isu eega dhismayaasha iyo horumarka ay gaartay, waa hanti Soomaaliyeed, welibana yan ku koobin Islii ee Kenya oo dhan, markaasbaa abaal naloogu heeyn oo leeydinku darayaa Kufsi, Xarig iyo bahdil joogta ah amaba laaluush joogto ah hadii aydnaan dhiibin amaba ogaalana maalin majoogeeysaan Kenya.

Somaali wax walba oo dhexmara waa Soomaali, marnaba kala tagi meeyso, balse ninkaan taa dareensaneenow, waxaa wanaagsan inaad wareeysato dadka dhibta ku arkay wadan aysan shisheeye gaar ahaan Kenya, Sout Africa iyo Kuwa Lamidka Ah, tusaalaha kuugu filan inaysan Soomaali kala tageeyn waa magaalada aan hadda daganahay ee Gaalkacyo, waad la socotaa waxii ka dhacay iyo sida manata loogu wada nool yahay.

Gabogabadi War ilaaheey nama duleeyne anagaa duliga jecelee, kaca oo aanu iska dhicino nimankan aan ka xishoonayn maganta iyo deriska dalkeenana hanooga baxaan, meel walba oo aad joogtaana muujiya shucuurtiina ku aadan Kenya sidii dalkeena looga saari lahaa.

Waa Su’aale Maxaad Ku Xukumi Lahayd Ninka Gabadh Soomaaliyeed Gafuurka U Qabtay Kenyati Kufsanaya?

Wabilaahi Towfiiq

C/laahi Daahir Tabane
Gaalkacyo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com