Golaha Wasiirrada Dawladda Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Golaha Is Magacaabay

0

madaxweyne-siilaanyoHargeysa(AGGM) Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu go’aamiyay inaan la aqbali doonin wax urur ama gole ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee dalka sifaha sharciga ah uga jira, sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo shirkii golaha Wasiirrada markii uu dhamaaday u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada si weyn loogu faaqiday isla markaana la isku waafaqay in aan la ogolaan doonin cid sheegata urur ama gole siyaasadeed oo aan ka ahayn kuwa dastuuriga ah ee dalka ka jira.

Mr. Dhuxul waxa uu intaasi ku daray in goluhu ay isku waafaqeen inay ayidsan yihiin oo qudha Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) iyo sadexda xisbi qaran ee ku soo baxay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dabo-yaaqadii kal-hore ka dhacday dalka.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo rayul caamka bulshadu si weyn ugu foogan yahay dood ka dhalatay sharciyadda Gole la magac-baxay “Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka” oo ay laba todobaad ka hor caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqeen siyaasiyiin mucaarid ah oo iskugu jira Hoggaankii ururadii dhacay iyo siyaasiyiin xilal sar-sare ka hayay xukuumadda oo xilkii laga qaaday.

Ugu dambeyntii Golahan is magacaabay waxaa shacabka iyo aqoonyanadda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dad ka soo horjeeda horumarka ay gaadheen shacabka Reer Somaliland isla markaasna ku doonayaan inay dawlada u jeediyaan eedeymo aan loo meel dayin taasi oo ay sheegtey xukumadu inaysan aqbali doonin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com