Shirka Mombasa Ee Dawladda Soomaaliya & Amisom Oo Looga Hadlayo Ciidamada Kiiniya

0

10_fullMuqdisho(AGGM) Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa shir uga socda magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Taliyeyaal ka socda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya, IGAD iyo Mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in laga hadlayo wada shaqeynta iyo in la is weydaarsado wararka sirdoonka.
Ergayga Midowga Afrika u fadhiyo Soomaaliya Mohamet Saalax Annadif ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab uu haatan beddelay weerarada iyo qaabka ay u howl galaan

Mr Annadif ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan loo wada shaqeeyo, lagana hortago weerarada ka imaanaya Shabaab. Waxaa kale oo shirka looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in ciidammada Soomaaliya ay noqdaan kuwa wax ka qaban kara xaaladaha ammaan darro ee dalka. Shirka ayaa ku soo beegmayo iyadoo Soomaaliya ay horey ugu baaqday in Kismaayo la geeyo ciidammo isku dhaf ah oo aan dhinac la jirin.

Ciidammada Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa gacanta ku haayo Kismaayo. Soomaaliya ayaa ku eedeeysay in aanay dhexdhexaad ka ahayn loollanka dhanka awoodda ah ee la xiriira cidda maammulayso Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com