Jabhadda Raaskambooni Oo Dhac Baahsan Ka Geysatey Xaafada Via Afmadow & Xaafado Kale

0

ZrCxmI1304981742Kismaayo(AGGM) Jabhadda Ciidamada Raaskambooni ayaa maanta dhibaato lixaad leh ka geystey xaafadaha Via Afmadow,Guulwade & Farjano,waxaana la sheegaya inay halkaasi ka geysteen dhac iyo boob iyo sidoo kale jirdil baahsan,waxaana sidoo kale la sheegayaa inay xabsiga u taxabeen dad badan oo shacab ah.

Intii aysan hawlgalkaasi ku dhaqaaqin Jabhadda Raaskambooni ayaa la shaaciyey inay dhamaan isgaarsiintii Magaalada Kismaayo Hawada ka saareen isla markaasna ku amreen inaan la shidi karin ilaa amar dambe,waxaana wararku sheegayaan in Jabhadda Raaskambooni ay dhaceen gaadiid xaafadahaasi yaalay.

Xaafadda Via Afmadow ayaa la sheegay inay Ciidamad Jabhadda Raaskambooni ka soo qabqabteen in ka badan 50 ruux kuwaasi oo la sheegay in qabiil ahaan loo bartimaameedsadey isla markaasna hadda ku sugan yihiin saldhiga magaalada Kismaayo halkaasi oo laysugu keenay dad badan oo xaafadaha kala duwan laga soo qabqabsaday.

Sidoo kale xaafada Guulwade ayaa la sheegayaa in iyadana lagu soo qabqabtey in ka badan 30 ruux kuwaasi oo u badan caruur iyo haween,sidoo kale xaafada Farjano ayaa la shaacinaya in iyagana laga soo qabqabtey tiro ka badan 20 ruux,waxaana la sheegaya in dadkaasi dhamaantood loo bartilmaameedsaday qaab qabiil.

Dhamaan dadkan ayaa la sheegaya inay ka soo kala jeedaan beelaha Jubooyinka dega gaar ahaan beelaha Sade,Shiikhaal,Cawro Maleh iyo Gaaljecel,waxaana wararku sheegayan in ciidamadaasi ay baadhasho guryahooda kula kaceen isla markaasna ay ka soo qaateen wixii ay ka heli karayeen guryahaasi.

Ugu dambeyntii Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa dhibaato lixaad leh ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyadoo dad qaarkood ay u bartilmaameedsanayeen qaab qabiil isla markaasna ay isir ahaan u dhacayaan dadkaasi,waxaana arriintaasi tahay mid walaac ku abuurtey shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com