Gudoomiye Mahad Cabdalle Cawad Oo Si Diiran Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyey(Sawiro)

0

DSC04177Muqdisho(AGGM) Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Wadfi uu hogaaminayay oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa saka dalka dib ugu soo laabtay.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo ay safarkiisa ku wehliyeen mudanayaal ka rirsan Baarlamanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka.

Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka warbxiyay safarkii uu ku tagay dalka Ingiriiska iyo  kulamadii ay la qaateen Baarlamanka dalkaasi,  isagoo tilmaamay in heshiisyadii ay soo galeen uu horgeyn doono Baarlamanka kulankiisa ugu horeeya.

Ugu dambeyntii wafdigan ka socday Baarlamanka Soomaaliya oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska ayaa waxa muddadii ay joogeen Britain ay kulamo la qaateen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

DSC04155DSC04167DSC04169DSC04170DSC04171DSC04177DSC04192DSC04202